Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo furay fadhigga 1-aad ee Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Brussels “SAWIRRO”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo furay fadhigga 1-aad ee Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Brussels “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyey fadhiga 1aad ee furitaanka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Brussels.

Qeybta 1aad ee fadhigan ayaa lagaga hadlay “Siyaasadda loo dhan yahay ee dalka” oo ku saabsan doorashooyinka dalka, dib-u-habeynta ciidanka, la dagaallanka argagixisada, qeybsashada kheyraadka dabiiciga ah iyo hannaanka mideynta cashuuraha waddanka.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiinta heer Federaal ayaa ka dooday muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qorsheyaasha lagu xaqiijinayo hiigsiga Soomaaliya ee sanadka 2020-ka, gaar ahaan qabyo-tirka dastuurka, dhammeystirka hannaanka Fadaraaleynta iyo qiimeynta qorshe-hawleedka doorashooyinka sanadka 2020-ka.

Qeybaha kale ee fadhiyada kale ayaa lagaga hadli doonaa amniga guud ee Soomaaliya, bixitaanka AMISOM iyo sidii ciidamada Soomaaliyeed ay ugala wareegi lahaayeen ammaanka dalka, arrimaha bini’aadantinnimada iyo gargaarka, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo soo kabashada ilaa haatan Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dhanka dhaqaalaha iyo sidii loo sii joogtayn lahaa.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland; Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Jubbaland; Mudane Axmed Maxamed Islaan, Koonfur Galbeed; Mudane Shariif Xasan Sheekh Axmed, Galmudug; Mudane Axmed Ducaale Geelle, Hirshabeelle; Mudane Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga, khubaro iyo ganacsto Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa shirka qeyb ka ahaa madax ka tirsan Midowga Yurub, Midowga Afrika, Beesha Caalamka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Sweden.

 

Previous Post

Senator Ayuub Ismaciil Yuusuf oo la kulmay Jaaliyadda Columbus Ohio+Sawirro

Next Post

Maxaa loo dilay Sheekh C/laahi Sheekh Maxamed Rooble.?

Next Post
Shakhsi nuucee ah ayuu ahaa  Sheekh C/laahi Sheekh Mad Rooble oo ay dileen Alshabab?- Dhageyso

Maxaa loo dilay Sheekh C/laahi Sheekh Maxamed Rooble.?

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In