Waxaa goordhow xarunta Villa Hargeysa ka furmay Kala Fadhiga 1-aad Kulankiisa 1-aad ee Baarlamanka 11-aad, waxaana Shir guddominaya guddomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Axmed Liiban.
Kulanka ayaa warbixn kooban lagu siin doonaa xildhibaanada cusub iyo howlaha horyaala iyo qeybinta xeer hoosaadka u gaarka ah doorashooyinka guddoomiyeyaasha iyo madaxweynaha.
Gudoomiyaha Ku Meel Gaarka ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad, ayaa jeedinaya khudbad kooban oo uu kaga hadlayo qorshaha Baarlamaanka oo maanta yeelanaya fadhigoodii koobaad.