Tuesday, June 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Banbaxa Gobalka Banaadir Oo Lasoo Soo Gabagabeeyay

Shirka Banbaxa Gobalka Banaadir Oo Soo Idlaaday maanta ayaa Socday Muddo afar maalmood ah, Waxaana laga soo saaray 18 Qodob oo muhiim u ah bulshada Gobalka Banaadir.

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
January 14, 2023
in Wararka
0
Shirka Banbaxa Gobalka Banaadir Oo Lasoo Soo Gabagabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

                  War-Murtiyeed Ka Laga Soo Saaray Shirka Banbaxa Gobalka Banaadir 

 

Related posts

SoDMA oo ka qeyb-gashay shirweynaha arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka

SoDMA oo ka qeyb-gashay shirweynaha arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka

June 10, 2025
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025

Shirka Banbaxa maamulka Gobolka Banaadir oo ku qabsoomay magaalada Muqdisho 10-14 ka Janaayo 2023, oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duga Muqdisho, Guddoomiye ku xigeennada maamulka iyo Maaliyadda, Amniga iyo Siyaasadda, Taliyaha Ciidaanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, Howlaha Guud, Arrimaha Bulshada, Xog-hayaha Guud, Guddoomiyaash degmooyinka & Deegaanada, Taliska Ciidanka Illaalinta Deegaanka Xamar, Madaxda Guddiyada, Agaasimeyaasha guud, Agaasime waaxeedyada, Xisaabiyaha Guud, Garyaqaanka Guud, Guddoomiyaha Guddiga Shaaqaalagha Gobolka Banaaadir, Maareeyaha Machadka Dowlada Hoose ee Xamar, Guddoomiyaha Xallinta Khilaafaadka Dhulka, Guddoomiyaha Ururka Haweynka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Kubadda Cagta Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Naadiga Minishibiyo, Kaaliyaal, Wakiillo, iyo la taliyayaasha sare ee Maamulka ayaa looga hadlay wadiqooyinka lagu xaqiijin karo ahdaafta guud ee Gobolka Banaadir oo ku saleysan; Ammaanka, Dimuqaraadiyeynta iyo dhismaha Maamul hufan oo u adeega bulshada deggan Magaalada Muqdisho iyo dhameystirka adeegyada kaabayaasha dhaqaalaha

 

                       Si loo xaqiijiyo ujeeddooyinkaas ayuu maamulku ka dooday:

 

  • Qalfoofta Istaraatiijiyadda guud ee 5ta sano ee soo socoto (2023-2027)
  • Qorshe hawleed ay ku dhan yihiin dhammaan howlaha sanadka 2023 u qorsheysan Maamulka Gobolka Banaadir.
  • Dib-u-eegista shuruucda maamul ee Gobolku ku hawlagalo
  • Dib-u-eegista Qaab-dhismeedka maamulka Gobolka Banaadir Dhaqangalka nidaam maaliyadeed hufan oo ku saleysan miisaaniyad

Mas’uuliyiinta, ayaa arrimahaan kor ku xusan is-dul taagay, iyada oo wadajir loo falangeeyay talooyinka ay xeeldheerayaasha arrimahaan soo bandhigeen, isla markaana wax ka beddel iyo wax ku daridba lagu sameeyay dhammaan qodobada la soo gudbiyay, kadibna si wadar oggol ah loo meel mariyay:

 

  1. Shirka, ayaa si weyn u bogaadiyey qabashada kulanka noocaan ah ee ah markii 1 wuxuuna shirku soo jeediyay in kulanka noocaan ah la qabto sanad walba, si loo dardargeliyo hawlaha Maamulka Gobolka Banaadir ee ugu horreyso nabad gelyada, kobcinta dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada bulshada

 

  1. Inta uu socday shirka ayaa aad loo dhiirigaliyay muhiimadda ay leedahay in adeegga ay qabtaan hawlwadeennada kala duwan ee maamulka ay u gutaan, si waafaqsan shareecada islaamka, lagana fogaado wax walba oo suurad xumeynaya shareecada, dhaqanka bulshada iyo guud ahaan dawlad wanaagga.

 

  1. Shirka, ayaa la isku faray in si xooggan looga shaqeeyo amniga Muqdisho, gaar ahaan xuuraanka iyo xog-wadaagga la xiriira khataraha, si looga hortago dhagarta kooxda khawaarijta ah oo la joogo maalmihii ugu danbeeyay ee jiritaankooda, waxaana dhinaca kale la faray maamulada degmooyinka in ay xoojiyaan wacyigelinta dadweynaha, ee ku aaddan ka digista fikirka xagjirnimada iyo in meel looga soo wada jeesto kooxda argagaxisada ee khawaarijta lalana shaqeeyo hay’adaha amniga qaabilsan

 

  1. Shirka, ayaa talooyin wax ku ool ah ku bliriyay Qolfoofta guud ee Istiraatiljiyada horumarinta Muqdisho ee sanadka 2023-2027, waxaana la isla gartay in la qabyo tiro lana daahfuro 90 ka cisho ee soo socoto

 

Waxa uu shirweynaha isla qaatay Qorshaha Hawl-qabad ee Maamulka Gobolka Banaadir sanadka 2023 kaas oo ka kooban 5 tiir oo kala ah;

  • Amniga & Cadaaladda,
  • Siyaasadda loo dhanyahay,
  • Horumarinta dhaqaalaha & Dib u dhiska kaabayaasha,
  •     Adeegyada bulshada sida (caafimaadka, waxbarasha, Xal u helidda Barakacayaasha iyo bilic soo celinta Magaalada).
  • Qodobo Qubane ah.

Qorshaha sanadkaan, ayaa waxa uu ka kooban yahay ilaa 113 hiigsiyo oo ay tahay in la gaaro sanadka 2023, kuwaasi oo ay hoos imaan doonaan ilaa 565 hawlood oo lagu gaari karo hiigsiyadaasi.

 

  1. Shirka Banbaxa, ayaa la isla gartay in ay muhim tahay dhameystirka QAAB-DHISMEEDKA MAAMULKA Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose, si loo gaaro shaqo wanaag, waxqabad, iyo isla-xisaabtan, waxaana la go’aamiyay in dhawaan la soo saari doono QAAB-DHSIMEEDKA kuna soo bixi doono xeer Gudoomiye.

 

  1. Shirka, ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in si qoraal ah loo qeexo waajibaadka shaqo ee qeybaha, waaxaha iyo shaqaalaha maamulka si waafaqsan QAAB- DHISMEEDKA Maamulka, waxaana la go’aamiyay in loo saari doono guddi khubarro ah ee soo qabta hawshaasi sida ugu dhow.

 

  1. Shirka, ayaa lagu go’aamiyay in la awood siiyo lana tayeeyo Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar iyadoo dib u qaabayn lagu samayn doono sharciga ay ku dhisanyihiin iyo in loo sahlo agabka iyo aqoon dhiska ay u baahanyihiin si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

 

  1. Shirka, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay muhiim u tahay in kor loo qaado dakhliga maamulka ee ka yimaada ilaha kala duwan, dhanka kalena si hufan oo hortabinino leh loo isticmaalo dakhligaasi, iyadoo ahmiyadda la siinayo xuquuqda shaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

 

10. Shirka, ayaa go’aamiyay in dib u eegis iyo casriyeen lagu sameeyo habraacyada iyo xeerarkii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir lyo Dawladda Hoose, si ay ula jaanqaadaan casriga la joogo, iyagoo la waafajinayo waajibaadka shago ee uu u xilsaaran yahay maamulka iyo hannaan dawladeedka dalka ee nidaamka Fadaraalka

 

11.Shirka, ayaa si gaar ah looga dooday muhiimmadda ay leedahay in la hagaajiyo nidaamka maaliyadda si waafaqsan sharciga maamulka maaliyadda dalka iyo nidaamyada kale ee la xiriira. Waxaa lagu go’aamiyay shirka in sida ugu dhow lagu soo dhameystiro hirgelinta nidaamka maaliyadda casirga ah, lana dhameystiro dhammaan kaabayaashiisa shaqo, si loo xaqiijyo hufnaan, daahfurnaan, kalsooni maaliyadeed iyo kobaca dakhliga oo la gaaro.

 

12.Shirka, ayaa lagu go’aamiyay in kor loo qaado, lana tayeeyo adeegyada bulshada ee uu Gobolku bixiyo sida, Nadaafadda, waxbarashada, caafimaadka iyo dhammaan adeegyada aasaasiga u ah nolosha iyo horumarka shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho

 

  1. Si loo gaaro hufnaan, iyo hawl-qabad muuqda, waxaa uu Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka go’aamiyay in la xoojiyo awood ahaan, aqoon ahaan iyo farsamo ahaanba, Agaasinka Hanti-dhawrka Gudaha si ay u gutaan waajibkooda shaqo si madax-banaan

 

  1. Iyada oo laga duulayo dhibaatada soo jirtay muddada fog ee xallinta khilaafaadka iyo dacwooyinka la xiriira dhulalka, waxa uu shirka go’aamiyay in dib u eegis lagu sameeyo habraacyada dhul bixinta iyo xallinta khilfaadyada ka dhasha dukumintiyada dhulka, si loo xaqiijiyo in gabi ahaan ba la dhameeyo dacwooyinka la xiriira dhulka, lana sameeyo nidaam diiwaangelin dhul oo casri ah (Land Management information system).

 

  1. Sidookale shirka, ayaa si gaar ah ahmiyad u siiyay in la hirgaliyo xeerka Nadaafadda iyo maaraynta Qashinka si loo xaqiijiyo magaalo nadiif ah, cagaaran una muuqaal eg magaalooyinka dhiggeeda ah.

 

  1. Si loo helo wada shaqayn, daahfurnaan iyo isla xisaabtan ku aaddan hey’adaha aan dowliga ahayn ee isugu jira kuwa maxalliga iyo kuwa caalamiga ah, waxa uu shirku go’aamiyay in la dhameystiro lana daadajiyo soo saarista xeerka hey’adaha aan dowliga ahayn (NGO by-law) kaas oo sahli doona wadashaqeynta hey’adaha iyo maamulka Gobolka Banaadir.

 

17.Shirka ayaa sidoo kale waxaa la’isla gartay in la dardar galiyo hannaanka samaynta doorashooyinka golaha deegaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

18.Shirka ayaa ugu danbayn hoosta ka xariiqay muhiimmadda wadashaqeynta hay’adaha amniga iyo kuwa rayidka ah ee Gobolka Banaadir inta si rasmi ah loo hoos keenayo hay’adaha amni Maamulka Gobolka Banaadir, si loo gaaro Nabad iyo Barwaaqo.














Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dalka Denmark

Next Post

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Soomaaliya oo heshiis la galay dhiggiisa dalka Boqortooyada Sacuudiga

Next Post
Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Soomaaliya oo heshiis la galay dhiggiisa dalka Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Soomaaliya oo heshiis la galay dhiggiisa dalka Boqortooyada Sacuudiga

SoDMA oo ka qeyb-gashay shirweynaha arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka

SoDMA oo ka qeyb-gashay shirweynaha arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka

June 10, 2025
0

Kalfadhigii 8-aad ee shirweynaha afartii sanaba mar la qabto ee looga arrinsado arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka, ee maalmahan ka socday...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In