Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo soo gabagaboobay

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo soo gabagaboobay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

                                           WAR-MURTIYEED

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay shir labo maalmood socday. Shirka oo uu, isugu yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka soo qaybgalay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Mudane Axmed Maxamed Islaam, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Related posts

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026

 

Iyadoo laga anbaqaadayo hal-kudhegii Madaxweynaha ee ahaa “Soomaali heshiis ah” ayaa ujeeddada ugu wayn ee shirka wuxuu ahaa sidii loo xoojin lahaa hannaanka wada shaqaynta iyo wadatashiga oo ay ku dheehan tahay niyad wanaag, kalsooni iyo is-aaminaad. Wuxuu Goluhu isla meel dhigay arrimaha hortabinta leh ee u baahan wada-xaajood siyaasaadeed ee horyaala muddo xileedkan cusub 2022 – 2026.Goluhu waxay ugu horeyntii u hambalyeeyeen Madaxweynaha la doortey ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud, waxayna Alle uga baryeen inuu waajibaadka qaran u fududeeyo. Goluhu wuxuu sidoo kale bogaadiyay sida dhaqsiyaha badan ee uu Madaxweynuhu isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaran taasoo ay ka muuqato rabitaan siyaasadeed iyo ka go’naansho dhab ah. Sidoo kale Goluhu waxay balanqaadeen inay si niyad-sami ku jirto ula shaqeynayaan Madaxweynaha.

Golaha Wadatashiga Qaran waxay isku raaceen qodobada soo socda:

 

  1. DHAMAYSTIRKA DHISMAHA DOWLADNIMADA SOOMAALIYA

 

Iyadoo la tixraacayo lifaaqa heshiiskii 27 Maajo 2021 ee Dhameystirka Dhismaha Dowladnimada Soomaaliya oo ay Golaha Wadatashiga Qaranka gaareen, Goluhu wuxuu isku raacay inuu diiradda saaro, mudnaan gaar ahna siiyo arrimaha soo socda:

Qabyo-tir iyo dhamaystir wakhtiyaysan oo lagu dul-dhiso guulihii horay looga gaaray dib-u-eegista Dastuurka, noqdana mid ay u-wada- dhanyihiin dhammaan heerarka Dowladda iyo qaybaha bulshada.

Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in la dhamaystiro hannaanka amniga qaranka sida dhismaha ciidanka iyo la-dagaalanka argagaxisada.

Goluhu wuxuu isla-meeldhigay in la helo nidaam doorasho oo mideysan iyo doorasho dimuqraadi ah oo dalka ka dhacda.

Goluhu wuxuu si wadajir ah isugu raacay in la xaqiijiyo dib u heshiisiin siyaasadeed iyo mid bulsho oo lagu xaliyo khilaafaadka ragaadiyey dowladnimadeena.

Goluhu wuxuu isku raacay in mudnaan gaar ah la siiyo wada-halada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Goluhu wuxuu ku heshiiyey taabba-gelinta, dardar-gelinta iyo dhamaystirka hannaanka federaalka si uu u noqdo mid gaara ilaa heer degmo, loona daadejiyo dowladnimada.

Goluhu wuxuu isla qaatay dhamaystirka hannaan garsoor madax-bannaan, hufan, isla markaana haqabtiri kara baahida caddaaladeed ee shacabka Soomaaliyeed.

                          XAALADDA ABAARAHA

Goluhu wuxuu isku raacay in si wadajir ah loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, loona diyaar garoobo ka hortagga musiibooyinka soo noqnoqda, lana helo sidii xal waara looga gaari lahaa. Wuxuu kaloo Goluhu ku baaqayaa in la mideeyo dadaalada wax looga qabanayo xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan. Sidoo kale, Goluhu wuxu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka inay kaalin buuxda ka qaataan xaaladda abaaraha ee taagan.

 

Previous Post

Shir looga hadlaayo amniga oo lagu qabtay Garowe

Next Post

Kulan guud oo ay maanta yeesheen Labada Gole ee Baarlamaanka oo soo idlaaday 

Next Post
Kulan guud oo ay maanta yeesheen Labada Gole ee Baarlamaanka oo soo idlaaday 

Kulan guud oo ay maanta yeesheen Labada Gole ee Baarlamaanka oo soo idlaaday 

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In