Tuesday, February 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka Oo Laga Soo Saaray War-Murtiyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka Oo Laga Soo Saaray War-Murtiyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1. HORUDHAC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulankii labaad ee shirka Golaha Wadatashiga Qaran kaasoo socday muddo laba maalmood ah 11-12 September 2022. Shirka oo ku qabsoomay magaalada Muqdisho waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid
Cabdullaahi Deni oo isagu kaga qeyb-galay aalladda fogaan aragga.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

February 16, 2026

2. QODOBADA KA SOO BAXAY KULANKAN GWQ
Labadii maalmood ee shirkan socday waxa ay Madaxwaynaha iyo xubnaha Golaha
Wada tashiga Qaranku diirada saareen sidii loo dardargelin lahaa dadaalka lagu samata bixinayo dadka Soomaaliyeed ee ay sida daran u saamayeen abaaruhu, waxaana la isla gorfeeyay arrimha amniga dalka, iyadoo dib loo milicsaday qodobadii kasoo baxay shirkii 12 kii June 2022.

Gunaanadkii shirka labada maalmood ee Golaha Wadatashiga Qaran ku yeeshay magaalada Muqdisho 11-12 September 2022 waxaa Goluhu isku raacay qodobada soo socda:

1) Ka dib abaarihii oo daba dheeraaday, dagmooyin ka mid ah dalkeenna ayaa galay xaalad adag, hadaba Golaha Wada tashiga Qaranku waxa uu
go’aamiyay in dowladdu dardar galiso howlaha lagu badbaadinayo dadka tabaalaysan, waxaana la faray dhammaan hay’adaha ku hawlan gurmadka in
ay mideeyaan dadaallada ku wajahan yaraynta saamaynta aabaraha. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay si buuxda is kugu
<span;>gurmadaan. Sidoo kale, saaxiibada Soomaaliya ayuu Goluhu ugu baaqay in ay laba jibbaaraan taageerada gurmadka abaaraha.

2) Goluhu wuxuu si mug leh u bogaadinayaa howlgalada la-dagaallanka argagixisada ee ka socda dhammaan deegaannada dalka, gaar ahaan kaalinta ay shacabka reer Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ka qaadanayaan la-dagaalanka argagixisada.

3) Goluhu wuxuu ugu baaqayaa deegannada kale ee dalka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka,
ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka in ay si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka
Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.

4) Goluhu wuxuu isku raacey in la dardargeliyo lagana mira dhaliyo wadahadalada Soomaaliland.

5) Goluhu waxa uu xoojinayaa xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada.

6) Goluhu wuxuu isku raacay in laga shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, iyo sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

7) Goluhu wuxuu isku raacey in la isugu yimaado shir kale oo lagu lafaguri doono arrimaha hortabinta u leh dowlad dhiska Soomaaliya.

Previous Post

Wasiirka Beeraha Soomaaliya Oo Kormeeray Xafiisyada Wasaaradda

Next Post

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Oo Qaabishay Safiirka Sweden Ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Oo Qaabishay Safiirka Sweden Ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Oo Qaabishay Safiirka Sweden Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo...

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

February 16, 2026
0

Akhriatayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalkeenna. Halkan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Qatar

February 16, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal miro dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka...

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

February 16, 2026
0

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Ha’yadda (NAP Global Network) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In