Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada: Abaaraha ka jira Gobollada dalka oo Lacag dheeraad ah loogu deeqay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada: Abaaraha ka jira Gobollada dalka oo Lacag dheeraad ah loogu deeqay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Wasiirka Caddaaladda C/laahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo kamid yihiin abaaraha ka jira qeybo kamid ah gobollada dalka, Amniga iyo qodobo kale.

Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixin la xiriirta ammaanka guud ee dalka ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, waxana ay soo hadal qaadeen dagaalladii dhawaan ay la galeen Ciidamadda Ammaanka Puntland iyo Galmudug kooxihii firxadka ahaa , waxana uu goluhu boggaadiyey guulaha ay ka gaareen Ciidamaddau kooxihii doonayey in ay khal-khal geliyaan amniga deeganadaas.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Waxana Goluhu cambaareeyeen falkii argagixisonimo ee shalay lala beegsaday muwaadiniin isugu jirta Soomaali iyo Turki, ee ka shaqeynayay magaalada Muqdisho iyo Qaraxii Argagixiso ee ka dhacay Gaalkacyo.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale looga dooday sidii Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay u kordhin lahayd dhaqaalaha ay ugu yabooheen dadka abaaruhu ku dhufteen, iyadoo intii uu shirku socda la falan-qeeyey sida ay muhiimka u tahay in gurmad deg deg ah loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed ee la dhiban abaaraha. Golaha ayaana isku raacay in lagu daro lacagtii horey loogu yaboohay abaarta $1.291 Million Dollar, lacagtaas oo laga jari doono Howlwadeenada dawladda.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo caawin lahaa Shacabka Soomaaliyeed ee ay sida ba’an abaaruhu u saameeyeen, waxana gurmadka abaaraha Xukuumaddu horey ugu magacawday Guddi u howlgala gacan siinta dadka ay abaaruhu ku dhufteen.

Previous Post

Soo weydii Su’aal wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta oo marti ku ah Barnaamijka kulanka todobaadka

Next Post

B/weyne: Laba qof ayaa ku geeriyootay Masjid Caawa Bam gacmeed lagu tuuray

Next Post
Akhriso magacyada golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedka G.Mudug Oo Gor dhaw lagu Dhawaaqay+Sawirro

B/weyne: Laba qof ayaa ku geeriyootay Masjid Caawa Bam gacmeed lagu tuuray

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In