Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada jubbaland oo Warbixino looga dhageestay dhowr Wasaaradood “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada jubbaland oo Warbixino looga dhageestay dhowr Wasaaradood “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa golaha wasiirada oga warbixiyey xaalada guud ee amniga, arrimaha abaaraha oo guud ahaan si siman u sameeysay dhammaan dadka ree Jubbaland iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, iyadoo Jubbaland ay waddo gurmad baxaad leh oo lagaga gaarayo dadka ay dhibaatada gaartay.

Wasaaradda Caafimadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland, waxa ay warbixin guud ka bixisay xaaladda Isbitaalada Kismaayo, Dhoobley iyo Ceelwaaq, shirweynaha Caafimadka oo sanadkii 5-aad oo xiriir ah Wasaaradda qabatay ayuu wasiirka oga warbixiyey golaha wasiirada kaas oo qiimayn lagu samaynayay shaqada Wasaaradda iyo adeega ay u hayso bulshada.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Jubbaland ayaa golaha warbixin ka siisay abuurista wakaaladaha biyaha iyo korontada, waxaa ayna golaha wasiirada u qeybisay sharciga lagu dhisayo wakaalada.

Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa ka war bixisay dhismaha Dowladdaha hoose ee Ceelwaaq iyo mashaariicda Degmada Afmadow.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Hormarinta Dhaqaalaha Jubbaland ayaa golaha warbixin ka siisay canshuur uruurinta iyo mashruuca cusub ee SOMCAS kaa oo u sahli doono canshuur bixiyaasha in qaab fudud ay ku bixiyaan lacagaha canshuurta ah.

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Jubbaland waxa ay soo gudbisay labo sharci oo kale ah.

B- Sharciga Shaqaalaha aan Dowladiga aheyn.

T- Sharciga Shaqaalaha ajaaniibta ah ama shisheeye.

Sharciyadan ayey goluhu soo eegi doonan ,iyadoo toddobaadka xiga shirka golaha wasiiradda lagu ansixin doono.

Previous Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo kormeeray dhismaha Isbitaalka guud ee Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Saxiixay Seddex Sharciga “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Saxiixay Seddex Sharciga “SAWIRRO”

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Saxiixay Seddex Sharciga "SAWIRRO"

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In