Monday, January 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada oo diirada lagu saaray Masiibada Qaran, Geeridii Jeneral Maxamed Abshir Muse, Geedisocodka Deyn-Cafiska iyo arrimo kale

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada oo diirada lagu saaray Masiibada Qaran, Geeridii Jeneral Maxamed Abshir Muse, Geedisocodka Deyn-Cafiska iyo arrimo kale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 26 Oktoober 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Mahdi Mohamed Guled (Khadar). Arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa Masiibadii Qaran ee 14kii Oktoober 2017, Geeridii General Maxamed Abshir Muse, Geedisocodka Deyn-Cafiska iyo arrimo kale.

Ugu horreyntii Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dhacdadii 14ka Oktoober ay aheyd dhacdo xannuun badan kana codsaday Guddiga Gurmadka Qaran inay warbixin ka siiyaan golaha wasiirada Masiibadii Qaran ee 14kii Oktoober 2017. Sidoo kale waxaa warbixin laga dhageystay Guddiga Dhalinyarada Is-xilqaamay ee Gurmad Qaran oo ka warbixiyey howlaha muhiimka ah oo ay qabtaan tan iyo 14kii Oktoober oo ay abaabuleen dhalinyarada dalka gudihiisa iyo dibadiisa, isla markaasna si hagar la’aan ah ugu gurmaday dadkii waxyeeladu soo gaartay. Guddiga ayaa u mahadceliyey dhammaan cidwalba oo gurmadka ka qeyqaadatay gaar ahaan dhalinyarada, Guddoomiyaha Gooblka Benaadir, Bahda warbaahinta, gaar ahaan SNTV oo si toos ah bulshada uga soo tabineysey xarunta gurmadka. Sidoo kale waxaa la ammaanay doorka Soomaalinimada ah ee la muujiyey oo ay Dowlada Federaalka hormuud ka aheyd. Agaasimaha Socdaalka & Jinsiyadaha oo dhaawacyada u diyaariyey baasabooro lagu qaaday. Sidoo kale waxaa la ammaanay dhaqaale ururinta ka socota dalka iyo gudihiisa, gaar ahaan Boosaaso iyo Nairobi oo dhaqaale looga aruuriyey.

Related posts

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

January 4, 2026
Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada

January 4, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Sii Hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey safarkii Madaxweynaha uu ku tagey Uganda, Ethiopia iyo Djibouti oo si guul ah ku soo dhammaaday, laguna heshiiyey in ciidamda Xooga Dalka iyo kuwa AMISOM ay si wadajir ah uga wada qeybqaataan dib u xoreynta dalka si kooxaha argagaxisada ah looga sifeeyo dalka oo dhan.

Wasiirka Maaliyada ayaa ka warbixiyey geedisocodka deyn-cafiska oo ay Dawladda Federaalka mudo kala shaqeyneysay hay’ada Lacagta Adduunka (IMF). Wasiirka Maaliyada iyo Wasiirka Kalluumeysiga ayaa ku qanciyey IMF in Somalia laga cafiyo deymaha si dalka looga hirgeliyo mashaariic horumarineed.
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa ka warbixiyey kulanka sanadlaha ah ee hay’ada Isgaarsiinta Adduunka (ITU) oo uu ka qeybgalay, iyadoo Somalia ay ka mid noqotay xubin buuxda oo leh codeyn. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inuu xiriir wanaagsan la soo sameeyey wadamo badan.

Golaha Wasiirada ayaa tacsiyo qaran u diray shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka geeriyooday marxuum Jeneral Maxamed Abshir Muse oo ku geeriyooday dalka Mareykanka. Marxuumka ayaa ahaa Taliyihii ugu horreeyey ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kana mid ahaa xildhibaanadii Dawladii lagu soo yageleelay Carta, kana soo qeybqaatay xornimda dalka, isla markaasna ku guuleystay in Soomaaliya ay yeelatay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ahaa ciidan dishibiliin leh, bulshada la shaqeeya, sugayna amniga iyo kala danbeynta dalka, caana ka ahaa Afrika. Dawladda Federaalka ayaa guddi u saareysa qabanqaabiyey baroordiiq sidii loogu sameyn lahaa oo loo xusi lahaa doorkiisii wadaninimada, xil-kasnimada, waaayo-aragnimada ee uu ku soo hoggaamiyey ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay casuumada uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo u fidiyey Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada Puntland, GalMudug, HirShabelle, Koofur-Galbeed, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo lagu wado inuu shirkooda qabsoomo 28ka Oktoobar 2017. Xukuumada ayaa wada qabanqaabada shirkaas, oo looga hadli doono xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah.
DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska

Previous Post

Akhriso: Taariikh nololeedkii Jeneraal Maxamed Abshir Muuse+Sawirro

Next Post

R/W Khayre “Madaxda Turki Waxay Diyaar u yihiin in ay ka Qayb qaataan la Dagaalanka iyo Cirib-tirka Argagixisada”

Next Post
R/W Khayre “Madaxda Turki Waxay Diyaar u yihiin in ay ka Qayb qaataan la Dagaalanka iyo Cirib-tirka Argagixisada”

R/W Khayre "Madaxda Turki Waxay Diyaar u yihiin in ay ka Qayb qaataan la Dagaalanka iyo Cirib-tirka Argagixisada"

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

January 4, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay...

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada

January 4, 2026
0

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya ayaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku qabatay kulan wadatashi ah oo ah...

SoDMA oo wajiga 3aad ee mashruuca cuna qeybinta soo gabagabeeyay

SoDMA oo wajiga 3aad ee mashruuca cuna qeybinta soo gabagabeeyay

January 4, 2026
0

Xilli abaarta ka jirta dalka ay gaartay heer halis ah, ayaa Hay’adda SoDMA soo gabangabeysay mashruuc cunto-qeybin ah (wajigii 3-aad)...

Defence Minister receives British Embassy’s Chargé d’Affaires to Somalia

Defence Minister receives British Embassy’s Chargé d’Affaires to Somalia

January 4, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, today received the Chargé d’Affaires of...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In