Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyay Sharciga wax ka qabadka Miinda iyo Walxaha Qarxa

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Golaha wasiirada oo falanqeeyay dar daarankii madaxweynaha oo maanta la kulmay “Warbixin+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdullaahi Jaamac Il-ka-jiir, iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ansixinta sharciga wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa, Ansixinta dhismaha Hay’adda wax ka qabadka Miinda iyo Walxaha Qarxa (SEMA).

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyntii si qota dheer uga dooday hindise sharciyeedka wax ka qabadka Miinda iyo Walxaha Qarxa oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Amniga gudaha, waxaana faah faahin dheer ka bixiyay Wasiirka Wasaaradda Amniga Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, isaga oo xusay in muhiimad gaar ah ay leedahay helista iyo nidaam xaqiijinaya wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa oo dhibaato ku haya dadka iyo xoolaha ku dhaqan miyi iyo magaaloba, maadaama dalku soo maray dagaalo kala duwan ayna jiraan walxo aan weli qarxin, kuna aasan dhulka hoostiisa, markastana ku qarxa si aan ku talagal aheyn, ayna dhibaateeyaan shacabka iyo hantidiisaba.

Related posts

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

January 28, 2026
Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026

“Waxaa cad baahida loo qabo in la helo barnaamij ku haboon howsha Miinada laguna baajinayo dhibaatada iyo khatarta aadami ee ka dhalata Miinda dhulka iyo walxaha aan weli qarxin” ayuu yiri Wasiirka oo xusay in Miinada iyo Waxlaha kale ee qarxa ay dib u dhac dhaqaale u keento degaanada, maadaama laga cabsi qabo in la maalgashado ama dib u dhis iyo horumarinba lagu sameeyo.

Golaha Wasiirada ayaa ugu dambeyntii ansixiyay sharciga wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa, waxayna sidoo kale isla kulankoodan ku ansixiyeen dhismaha hay’adda wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa (SEMA).

Ugu dambeyntiina golaha Wasiirada ayaa meel mariyay xeer nidaamiyaha hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa gudaha ka howlgala ee ka shaqeeya howlaha Miinada iyo Walxaha Qarxa.

—Dhammaad—–

 

Previous Post

Su’aal ama fikir soo weydii Taliyaha ciidanka booliska oo marti ku ah barnaamijka kulanka Todobaadka ee Beri

Next Post

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post
Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

January 28, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hoggaaminayso dadaallada Golaha Ammaanka ee...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026
0

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo ku baacsanaya dhulka howdka...

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In