Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada oo lagu magacaabay Taliyaha Xooga Dalka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada oo lagu magacaabay Taliyaha Xooga Dalka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xalaaddaha Amniga iyo hogaan cusub oo uu yeesho ciidanka Xooga dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa golaha Wasiirada u soo jeediyay magacaabid taliyaha ciidanka xoogga dalka waxaana dood dheer kadib, goluhu ay isla ogolaadeen magacaabista taliyaha Ciidanka Xooga dalka oo loo magacaabay Janaral Maxamed Aadan Axmad.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale, soo jeediyay in loo dalacsiiyo Taliyaha cusub ee C.X.D. Mudane Maxamed Aadan Axmad darada Sareeye Gaas, maadama uu yahay shaqsitakhasus weyn u leh howlaha Ciidamada, ugana soobaxay kulliyado kala duwan oo dalka dibeddiisa ah.

Taliyaha cusub ee ciidanka C.X.D Janaral Maxamed Aadan Axmad ayaa waxbrashadiisii ciidanimo ku soo qaatay kulliyadda Ciidanka ee Masar, kulliyada hogaaminta ciidanka ee Ruushka, Muskow, kulliyada dagaalka ee dalka Mareykanka, isaga oo sidoo kalena soo qabtay xilal kala duwan oo ciidamada ah, wuxuuna ahaa Taliye qeybta Baladweyne, Taliyaha qeybta ciidanka 60-naad Baydhabo, taliyaha qeybta 21-naad ee Dhuusamareeb.

Arrintan ayaa qeyb ka ah, dardargelinta, xoojinta iyo tayeynta ciidamada xooga dalka, iyadoo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiidna uu ku ammaanay hogaankii hore ee ciidanka inay heer wanaagsan soo gaarsiiyeen Taliska, loogana fadhiyo hogaankan cusub inuu halkaasi ka sii wado.

Dhanka kale, Hanti dhowraha Qaranka Mudane Dr. Nuur Faarax ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyay howlaha Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka, taasoo ku saabsaneyn arrimaha Baarista, hubinta iyo illaalinta Hantida Qaranka, guurto iyo maguurtaba. Waxaana xafiiska Hanti dhowrku uu ka codsaday xukuumada inay ku garab siiso gudashada waajibaadkiisa shaqo, si loo dhowro Hantida Qaranka, looguna dhaqmo si waafaqsan sharciga.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed

Previous Post

Wasiir Diini: “Waxaa naga go’an in aan dhisno Ciidan Qaran oo leh Tayo iyo tababar ku filan”+Sawirro

Next Post

Taliyaha Ciidamada Uganda Oo Booqday Deegaanka Janaale+Sawirro

Next Post
Taliyaha Ciidamada Uganda Oo Booqday Deegaanka Janaale+Sawirro

Taliyaha Ciidamada Uganda Oo Booqday Deegaanka Janaale+Sawirro

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In