Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin geeridii Wasiirkii Howlaha Guud iyo arrimaha Amniga.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin geeridii Wasiirkii Howlaha Guud iyo arrimaha Amniga.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 4 May 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa caawa yeeshay kulan deg-deg ah oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Geeridii Wasiirkii Howlaha Guud iyo arrimaha Amniga dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xubnaha golaha wasiirada ayaa ugu horreyn ka tacsiyadeeyey geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Cabaas Siraaji oo ahaa wasiirka Howlaha Guud & Dib-u-Dhiska oo xalay ku geeriyooday Muqdisho. Golahu waxey qireen in marxuum Cabaas Siraaji uu ahaa iftiin soo baxaya, lahaana hiraal iyo aragti dheer oo mustaqbal fiican leh. Cabaas waxuu ahaa shaqsiga ugu da’da yar ee xubnaha golaha wasiirada, waxuuna tusaale fiican u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Golahu waxey warbixin ku saabsan falkii dilka iyo baarista socota ka dhageysteen Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer Illaaliyaha Guud, waxeyna sheegeen in baaristu socoto, isla markaasna 3 qof ay u xiranyihiin falkaas. Waxeyna golaha ka codsadeen in gacan laga siiyo baaristooda.

Kadib Golaha wasiiradu markii ay dhageysteen warbixintii falkii dilka ahaa ee loo geystay Marxuum Cabaas Siraaji, wasiirkii Howlaha Guud, iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ballan qaadayna in wax allaale iyo waxii suurtogelinaya in baarista la soo dhameystiro ayaa waxey go’aansadeen oo si wadar-oggol ah ugu coddeeyeen in xilkii laga qaado Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka, iyadoo xilka uu si ku-meel gaar ah u sii heynayo Kuxigeenka Hanti-Dhowrka Guud.

Golaha wasiiradu waxey warbixin dheer ka dhageysteen Taliyeyaasha Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Nabad-Sugidda ee ku aadan sidii amniga dalka oo dhan loo sugi lahaa. Warbixintaas ka dib, golaha waxey ka doodeen tallooyinka ay soo jeediyeen taliyeyaasha, waxeyna go’aamiyeen in golaha wasiirada la hor-keeno qorshe dhameystiran ee lagu sugayo amniga kasoo bilow u ah geedi socodka nabadeynta dalka.

Ugu danbeyn, Golaha ayaa tacsi u diray Ehelladii iyo asxaabtii uu ka baxay allaha u naxariistee Marxuum Dr. Maxamuud Jaamac Sifir, oo horey u soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeen kuna geeriyooday dalka Mareykanka. Wuxuuna Goluhu ALLAH uga baryey marxuumka in jannadiisa Firdowso uu ka waraabiyo.

DHAMMAAD__

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay ururada bulshada rayidka.

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In