Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka golaha wasiirada oo looga hadlay qodobo dhowr ah-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Shirka golaha wasiirada oo looga hadlay qodobo dhowr ah-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha wasiirada ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin xaaladda amniga dalka, booqashadii uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaddu ku tagey dalka Talyaaniga iyo Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ugu horayntii Wasiirka amniga gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka warbixiyey arrimaha amniga isagoona tilmaamay in dowladu ay xoojinayso howlgalka ka dhan ka ah Al-shabaab, wuxuna sidoo kale ka hadlay dagaalkii dhex-marey Ciidamadda Puntland iyo Kooxda Al-shabaab. Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu boggaadiyey Ciidamadda Puntland sida geesinimada leh ee ay dagaalka ula galeen Argagixisada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka warbixiyey safarkii uu ku tagey dalka Talyaaniga, isagoo xusay in Talyaaniga ay kala hadleen sidii maalgashi loogu sameyn lahaa Soomaaliya. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay booqasho labo maalin oo uu ku tagey magaalada Beled-weyne in odayaasha deegaanka uu kala hadlay ka qeyb galka shirka Jowhar ee lagu dhisayo maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe.

Ugu dambeyntii, golaha wasiirada ayaa ka hadlay abaaraha ka jira qaar kamid ah gobollada dalka, iyadoo baaq loo direy cid walba oo gacan ka geysan karta caawinta bulshada ay abaaruhu ku dhufteen.

1 22 unnamed

Previous Post

Kulan amniga looga hadlayay oo Gaalkacyo lagu qabtay

Next Post

Munaasibad lagu xusayey marxuum C/laahi Ciise oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post
Munaasibad lagu xusayey marxuum C/laahi Ciise oo Muqdisho lagu qabtay

Munaasibad lagu xusayey marxuum C/laahi Ciise oo Muqdisho lagu qabtay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In