Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay qodobo kala duwan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, waxaana kulankan looga hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid aheyd weerarkii kooxaha argagixisadu ku qaadeen degaanka Ceel-cadde oo ka tirsan gobolka Gedo, halkaasoo fariisin u aheyd ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Nabad illaalinta ee AMISOM.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyntii warbixin ka dhegeystay Wasiirada Amniga oo faah faahino ka siisay weerarkii kooxaha argagixisadu la beegsadeen goob fariisin u aheyd ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad illaalinta ee AMISOM, halkaasoo ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba leh ka soo gaartay.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Kenya, isaga oo uga tacsiyadeeyey dhimashada Askarta, waxa uuna ku ammaanay dowladda Kenya garab istaageeda.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti ayaa xusay in Bankiga dhexe uu bilaabay bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka ee dowladda, lana bixinayo labo bilood.

Dhanka kale, golaha Wasiirada ayaa kulan isbarasho ah la yeeshay Wakiilka Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. Michael Keating, isaga oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu soo booqdo xarunta golaha fulinta dowladda, xurmo weyna u hayo shaqada culus ee ay ummadda u hayaan.

Ugu dambeyntiina, Golaha Wasiirada ayaa ugu hambalyeeyey ummadda Soomaaliyeed munaasabadda sanad guurada maalinta qorista Far-Soomaaliga, waxayna ku booriyeen shacabka in qof kasta oo Soomaali ah uu ku dadaalo horumarinta iyo ku hadalka luqadooda hooyo.

Previous Post

Hey’adda UNHCR oo sheegtay in qaxooti Soomaali ah ay dib ugu noqdeen dalkooda

Next Post

Booliiska Kenya oo toogasho ku dilay rag loo heystay falal argagixiso

Next Post
Booliiska Kenya oo toogasho ku dilay rag loo heystay falal argagixiso

Booliiska Kenya oo toogasho ku dilay rag loo heystay falal argagixiso

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In