Monday, June 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Qorshaha dowladda, Qaraxii Hotel Central iyo gurmad loo fidinayo dhaawacyadii.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Qorshaha dowladda, Qaraxii Hotel Central iyo gurmad loo fidinayo dhaawacyadii.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada, waxaana looga hadlay Xaaladda caafimaad ee dadkii ku wax yeeloobay weerarkii waxashnimo ee Nabad diidku ay ku qaadeen Hotel Central, Xaaladda guud amniga dalka iyo qorshaha Xukuumadda ee sanadka 2015 iyo 2016.

Ugu horeyntii, golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, wuxuuna sheegay in guddiga Amnigu ay ku guda jiraan shaqo badan oo ku aadan sidii loosoo gabo gabeyn lahaa baarista la xiriirta dhacdadii Hotel Central ee magaalada Muqdisho.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026

Wasiirka Amniga ayaa tilmaamay in natiijooyinka horu-dhaca ah ay tilmaamayaan qaraxaasi in laga soo abaabulay gudaha Hotelka oo ay aad u maleegtay haweenaydii halkaas isku qarxisay (Luul Axmed) oo muddo ka shaqeynaysay Hotelka.

“Wasaaradda Amnigu waxay diyaarisay qaab siyaasadeed la xiriira sugidda iyo hubinta amniga, qorshahan wuxuu saameyn doonaa Hotellada, goobaha Ganacsiga iyo meel walba oo laga shakiyo si amniga dalka guud ahaan loo xaqiijiyo. Waxaa baaritaan lagu sameynayaa baabuurta, waxaa ka qeyb qaadan doono saddex waaxood oo kamid ah ciidamada amniga, si loo hubiyo wax walba oo laga shakiyo. Baaristan waxay saameyn ku yeelan doonto cid kasta oo gaadiid hubaysan wadata, waxay hay’adaha sirdoonku dabagal buuxa ku sameynayaan cid kasta oo looga shakiyo in uu ku lug leeyahay kooxaha Argagixisada” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Sidoo kale, Kulanka Golaha Wasiirada ayaa warbixin looga dhageystay Wasiirka Caafimaad Marwo Xaawo Xasan Maxamed, waxana ay sheegtay in Wasaaradda Caafimaadka ay sameysay guddi gurmad deg deg ah oo loogu talagalay in ay la tacaalaan dadkii waxyeeladu kasoo gaartay weerarki Hotel Central.

“Wasaradda Caafimaadka waxay maalmahan ka shaqeynaysay in ay tiro koob dhab ah ka keento dadkii ku jiray Isbitaallada dhaawacyada la geeyay, Isbitaal Madiina waxaa la geeyay 27 qof, waxaa ka baxay Isbitalka oo la daaweyay 17 ruux, mid kamid ah waxaa loo wareejiyay Isbital Digfeer, dadkii halkaa la geeyay hal qof ayaa dhintay. Sidoo kale Isbitaalka Digfeer dadka loo qaaday 19 qof ayey ahaayeen 12 qof ayaa ka baxay oo la daaweeyay, 7 qofna waa jiifaan wali, kuwa dalka wax looga qaban waayayna waa 7 qof, waxaana loo qaadi doonaan dalka dibediisa gaar ahaan dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka oo gacan nagu siinayay” ayay tiri Wasiirka Caafimaadka Marwo Xaawo Xasan.

Ugu danbeyn, Golaha ayaa ka hadlay soo gudbinta qorshaha wasaarad kasta si loo xaqiijiyo hiigsiga 2016, iyadoo la isku raacay in wasaaradda Qorshayntu iyo Iskaashiga Caalamigu ay noqota Wasaaradda xiriirisa dhamaan hay’adaha dowladda gaar ahaan hagista iyo maareynta deeqaha bulshada caalamka, ujeedka laga leeyahayna ay tahay sidii looga hortagi lahaa isbar-bar yaaca, Wasaaraduna ay ugu istaagi lahayd iyadu inay masuuliyadaas qaato.
unnamed

unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed (5)

Previous Post

Ogaysiis Muhiim Ah:- Baarlamaanka Oo Codsanaya Buuxinta Kuraasta Xildhibaannada Ee Ka Bannaan Golaha Shacabka

Next Post

Tartan kubadda Koleyga ah oo lagu qabtay Gaalkacyo (Sawirro)

Next Post
Tartan kubadda Koleyga ah oo lagu qabtay Gaalkacyo (Sawirro)

Tartan kubadda Koleyga ah oo lagu qabtay Gaalkacyo (Sawirro)

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. HOOS KA AKHRISO

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan dhaawacyada iyo dhimashada ka dhalatay howlgallada lagula dagaallamayo hubka sharci-darrada...

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adaha Amniga Caasimadda waxay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Degmada Cabdicasiis iyo xaafadda Marinaayo, ku wargelinayaan in...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, ayaa howlgallo qorsheysan ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In