Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Qorshaha dowladda, Qaraxii Hotel Central iyo gurmad loo fidinayo dhaawacyadii.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Qorshaha dowladda, Qaraxii Hotel Central iyo gurmad loo fidinayo dhaawacyadii.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada, waxaana looga hadlay Xaaladda caafimaad ee dadkii ku wax yeeloobay weerarkii waxashnimo ee Nabad diidku ay ku qaadeen Hotel Central, Xaaladda guud amniga dalka iyo qorshaha Xukuumadda ee sanadka 2015 iyo 2016.

Ugu horeyntii, golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, wuxuuna sheegay in guddiga Amnigu ay ku guda jiraan shaqo badan oo ku aadan sidii loosoo gabo gabeyn lahaa baarista la xiriirta dhacdadii Hotel Central ee magaalada Muqdisho.

Related posts

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026

Wasiirka Amniga ayaa tilmaamay in natiijooyinka horu-dhaca ah ay tilmaamayaan qaraxaasi in laga soo abaabulay gudaha Hotelka oo ay aad u maleegtay haweenaydii halkaas isku qarxisay (Luul Axmed) oo muddo ka shaqeynaysay Hotelka.

“Wasaaradda Amnigu waxay diyaarisay qaab siyaasadeed la xiriira sugidda iyo hubinta amniga, qorshahan wuxuu saameyn doonaa Hotellada, goobaha Ganacsiga iyo meel walba oo laga shakiyo si amniga dalka guud ahaan loo xaqiijiyo. Waxaa baaritaan lagu sameynayaa baabuurta, waxaa ka qeyb qaadan doono saddex waaxood oo kamid ah ciidamada amniga, si loo hubiyo wax walba oo laga shakiyo. Baaristan waxay saameyn ku yeelan doonto cid kasta oo gaadiid hubaysan wadata, waxay hay’adaha sirdoonku dabagal buuxa ku sameynayaan cid kasta oo looga shakiyo in uu ku lug leeyahay kooxaha Argagixisada” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Sidoo kale, Kulanka Golaha Wasiirada ayaa warbixin looga dhageystay Wasiirka Caafimaad Marwo Xaawo Xasan Maxamed, waxana ay sheegtay in Wasaaradda Caafimaadka ay sameysay guddi gurmad deg deg ah oo loogu talagalay in ay la tacaalaan dadkii waxyeeladu kasoo gaartay weerarki Hotel Central.

“Wasaradda Caafimaadka waxay maalmahan ka shaqeynaysay in ay tiro koob dhab ah ka keento dadkii ku jiray Isbitaallada dhaawacyada la geeyay, Isbitaal Madiina waxaa la geeyay 27 qof, waxaa ka baxay Isbitalka oo la daaweyay 17 ruux, mid kamid ah waxaa loo wareejiyay Isbital Digfeer, dadkii halkaa la geeyay hal qof ayaa dhintay. Sidoo kale Isbitaalka Digfeer dadka loo qaaday 19 qof ayey ahaayeen 12 qof ayaa ka baxay oo la daaweeyay, 7 qofna waa jiifaan wali, kuwa dalka wax looga qaban waayayna waa 7 qof, waxaana loo qaadi doonaan dalka dibediisa gaar ahaan dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka oo gacan nagu siinayay” ayay tiri Wasiirka Caafimaadka Marwo Xaawo Xasan.

Ugu danbeyn, Golaha ayaa ka hadlay soo gudbinta qorshaha wasaarad kasta si loo xaqiijiyo hiigsiga 2016, iyadoo la isku raacay in wasaaradda Qorshayntu iyo Iskaashiga Caalamigu ay noqota Wasaaradda xiriirisa dhamaan hay’adaha dowladda gaar ahaan hagista iyo maareynta deeqaha bulshada caalamka, ujeedka laga leeyahayna ay tahay sidii looga hortagi lahaa isbar-bar yaaca, Wasaaraduna ay ugu istaagi lahayd iyadu inay masuuliyadaas qaato.
unnamed

unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed (5)

Previous Post

Ogaysiis Muhiim Ah:- Baarlamaanka Oo Codsanaya Buuxinta Kuraasta Xildhibaannada Ee Ka Bannaan Golaha Shacabka

Next Post

Tartan kubadda Koleyga ah oo lagu qabtay Gaalkacyo (Sawirro)

Next Post
Tartan kubadda Koleyga ah oo lagu qabtay Gaalkacyo (Sawirro)

Tartan kubadda Koleyga ah oo lagu qabtay Gaalkacyo (Sawirro)

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In