Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada Oo Looga Hadlay Sharciga Doorashooyinka 2020 iyo Dib-u-habaynta Nidaamka Maaliyaddaa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, September 06, 2018 –Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Cali Khayre, ayaa shir-guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo maanta looga hadlay sharciga doorashooyinka 2020-ka, dib-u-habaynta maaliyadda iyo ololaha is-xilqaan.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ugu horrayn wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa golaha wasiirrada warbixin faah-faahsan ka siiyay diyaarinta sharciga doorashooyinka 2020-ka oo heer gebagebo ah maraya dhowaanna wadatashi lagala samaynayo bulshada qaybaheeda kala duwan iyo dowlad gobaleedyada, kahor inta aan la hor-gayn golaha wasiirrada.

Wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa isna golaha uga warbixiyay qorshaha cafinta daymaha, SMP3 oo gebagebo maraya, daabacaadda Shilin Soomaaliga iyo guud ahaan qorshaha dib u habaynta hannaanka maaliyadda dalka.

Xukuummadda federaaka Soomaaliya ayaa ajandayaasheeda ugu waawayn waxaa kamid ah hir-gelinta doorasho qof iyo cod ah oo sannadka 2020-ka ah ka dhacda dalka si awoodda maamulka loogu celiyo gacanta shacabka oo ay uga taliyaan aayahooda, go’aanna ay uga gaaraan hoggaanka mustaqblka.

Ugu dambayn golaha ayaa war-bixin la xariirta barnaamijka “Is-xilqaan) ka dhagaystay ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuummada, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo madax ka ah guddi loo xil-saaray dardar-gelinta ololaha is-xilqaan oo dib loogu dhisayo xarumaha dawladda, goobaha taariikhiga ah iyo waddooyinka.

–DHAMMAAD—-

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta “Soomaaliya waxay ka shaqaynaysaa in la dhameeyo Colaada Jabuuti iyo Eritrea” Dhageyso

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweynihii Hore Ee Dalka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweynihii Hore Ee Dalka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweynihii Hore Ee Dalka

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In