Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiiradda oo looga hadlay qodobo Muhiim u ah Amniga Magaalada Muqdisho.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay dadaalka lagu dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Imaaraadka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir-gudoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay adkaynta amniga, ahmiyadda Shirkii caalamiga ahaa ee waxbarshashada sare iyo natiijadii kasoo baxday Shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliyeed ee Brussels.

Ugu horeyn wasiirka amniga gudaha xukuummadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale) ayaa golaha u soo ban-dhigay qaraar qeexaya in amniga Caasimadda lagu wareejiyo booliiska, waxa ayna golohu isla oggolaadeen in  mas’uuliyadda  amniga caasimadda  lagu wareejiyo  booliiska, in dhammaan ciidanka xasilinta la hoos geeyo booliiska si ay uga qayb qaataan sugidda amniga iyo in ciidanka nabad-suggiddu ay mas’uul ka yihiin helidda xogta sir-doon ee gacan ka geysaneysa adkeynta amniga.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Golahu waxa uu faray taliyaha Booliiska Soomaaliyeed in uu hawl geliyo ciidanka Guutada 14-ka Octoober si ay uga qayb qaataan sugidda amniga iyada oo goluhu ku war-geliyay  wasaaradda maaliyadda in ay bixiso mushaarka iyo xuquuqda guutada 14-ka October.

Wasiirka arrimaha  dibadda xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa golaha wasiirada usoo jeediyay in goluhu u ogolaadaan mudanayaasha kala ah Cabdullaahi Maxamed Odawaa, Maxamed Axmednuur Tarsan iyo Cabdirisaaq Axmed  Sh. Maxamed Shoolle in laga dhigo safiirro arintaas oo cod aqlabiyad leh golohu ku ansixiyay.

Golaha ayaa ugu danbeyn ka hadlay muhiimmadda uu dalka u leeyahy shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare ee lagu qabtay Muqdisho, kaas oo intii uu socday leesla gartay in wadamada colaadaha kasoo kabanaya loo sameeyo urur jaamacadeed oo ay ku mideysanyihiin oo hormuud u tahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga mahacdeliyay bahda waxbarashada Soomaaliyeed dadaalkii ay u galeen in ay dhisaan aqoonta bulshada Soomaaliyeed xilligii burburka isaga oo qiray in ay usoo adkeysteen xilli ay adkayd in lagu dhiirrado fulinta qorshayaal horumarineed oo bulshada lagu bad-baadinayo.

Previous Post

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo cambaareeyey Weerarkii Xarunta Hormuud ee deegaanka Dhuuntoow

Next Post

Wasaaradda Diinta oo ku dhawaaqdey in la billaabay bixinta Dal-ku Galka Sacuudiga ee Xujeyda 

Next Post
Wasaaradda Diinta oo ku dhawaaqdey in la billaabay bixinta Dal-ku Galka Sacuudiga ee Xujeyda 

Wasaaradda Diinta oo ku dhawaaqdey in la billaabay bixinta Dal-ku Galka Sacuudiga ee Xujeyda 

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In