|
Muqdisho, 07 September 2017 – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Raโiisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa arrimaha amniga, ansixinta Hindise Sharciyeedka Batrooka, Heshiiska isu-celinta maxaabiista ee India iyo Soomaaliya iyo arrimo kale. Wasiirka Amniga ayaa golaha siiyey warbixin dhanka amniga ah sheeegeyna in ammaanka uu aad u fiicanyahay, ayna socdaan dadaalo lagu sii xoojinayo. Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey diyaar garowga ciidanka XDS ee qiimeynta sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen ammaanka dalka. Golaha ayaa waxaa la horkeenay Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida oo abuuri doona in la dhiso Hayโada Xaqsiinta Ciidamada si ciidamada howlgabka ah, kuwa dhaawacma ee curyaama iyo agoontaba loo siin lahaa waxii ay xaq u leeyihiin. Golaha ayaa loo qeybiyey nuqulka Hindise Sharciyeedka si ay u soo darsaan oo kulamada danbe loo ansaxiyo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa golaha soo hordhigay Heshiis ay Dowladdaha India iyo Soomaaliya kala saxiixdeeen ee isu-celinta maxaabiista, oo suurtogelin doona in maxaabiista muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India la keeni doono dalkooda hooyo. Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey heshiiskan oo loo gudbin doono Baarlamaanka. Wasiirka Batroolka ayaa Golaha u soo gudbiyey Dib u eegis lagu sameeyey Sharcigii Batroolka ee 2008dii. Dood dheer ka dib golaha wasiirradu ayaa ansixiyey. Sharcigan ayaa abuuraya Hayโada Batroolka Soomaaliyeed iyo Shirkada Batroolka Qaranka Soomaaliyeed oo la howlgeli doonta shirkada caalamiga ah ee Shidaalka ee Soomaaliya ka howlgala. Golaha ayaa isku raacay in Xeer Hoosaadka Golaha Wasiirada dib u eegis lagu sameeyo iyadoo loo xilsaaray guddi ka soo baaraandega. Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay Qorshaha Waxqabadka 6da bilood ee soo socota iyadoo la isku raacay in wasaarad walba ay soo gudbiso qorshaheeda si loola xisaabtamo. DHAMMAAD |
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ๐๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐ก๐๐ฆm๐๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐๐ ๐๐๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐๐ง๐๐๐ฅ๐ฅ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐ข๐๐๐๐ฅ
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...
















