Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kaasi oo loo magacaabay Mudane Xuseen Khaasim Yuusuf, kadib soojeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha JFS.
Kulanka golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga dalka iyo howlgallada ciidamada qalabka sida ay ku ciribtirayaan kooxaha Khawaarijta ah,deegaanka iyo dhir-beerista.
Golaha, ayaa ansixiyey ayaa ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud, kaasi oo aysoo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambayn. Golaha Wasiirrada ayaa Darajada Safiirnimo u dalacsiiyey Mudane Nuur Maxamuud Sheekh, kadib soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS.











