Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Arrimo dhowr ah

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Golaha wasiirada oo falanqeeyay dar daarankii madaxweynaha oo maanta la kulmay “Warbixin+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, June 23, 2016—--Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Wasiirka Caddaaladda Mudane C/laahi Axmed Jaamac “Ilka-Jiir, iyadoo kulankan qodobada looga hadlay ay ka mid ahaayeen, Amniga guud ee dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa Golaha uga warbixiyay Amniga guud ee dalka, isagoo xusay in todobaadkii la soo dhaafay xaaladda guud ee dalka ay daganayd isla markaana ay yaraayeen falalka ay nabaddiidku geysanayaan, wuxuna sheegay Wasiirku in la qaaday tallaabooyin looga hortagayo falalka argagixisada.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu ansixiyay qaab Siyaasadeedka Qaran ee Kaalmada Sharci, waxana golaha u soo gudbiyey Wasaaradda Caddaaladda. Qaab Siyaasadeedkani ayaa ka caawin doono bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda liita iyo dumarka in ay helaan galaangalka adeegyada garsoorka dalka.

Ugu danbey, Golaha Wasiirrada ayaa warbixino la xiriirta heshiis ay wada saxiixan doonaan dawladda Qadar iyo Soomaaliya oo la xiriira iskaashiga Caafimaadka ka dhageystay Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed, waxana ay dood kadib, Goluhu ogollaadeen heshiiskaas.

 

Previous Post

Daawo Sawirrada: Madaxweynaha oo si rasmi ah Baydhabo uga furay shirka madasha wadatashiga Qaran

Next Post

Tartamayaasha degmada C/casiis oo xalay u soo gudbiyay wareegga seddexaad “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha degmada C/casiis oo xalay u soo gudbiyay wareegga seddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha degmada C/casiis oo xalay u soo gudbiyay wareegga seddexaad "SAWIRRO"

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In