Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Goloha Wasiiradda oo looga hadlay Dib-u-eegista Hannaanka Cadaaladeed ee Soomaaliya, Dhaqaalaha, Amnigga, Ansixinta heshiisyada Soomaaliya iyo Turki iyo Doorashooyinka 2020-ka.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Shirka Goloha Wasiiradda oo looga hadlay Dib-u-eegista Hannaanka Cadaaladeed ee Soomaaliya, Dhaqaalaha, Amnigga, Ansixinta heshiisyada Soomaaliya iyo Turki iyo Doorashooyinka 2020-ka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Muqdisho, March, 22, 2018—Β Shirka Khamiis laha ee Goloha Wasiiradda Soomaaliya ayaa maanta looga hadlay Dib-u-eegista hannaanka Cadaaladeed ee Soomaaliya, Dhaqaalaha, Amnigga, Ansixinta heshiisyada Soomaaliya iyo Turki iyo Doorashooyinka 2020-ka, iyadoo warbixino kalena laga dhagaystay qaar ka mid Goloha Wasiiradda. Waxaana kulanka shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khader), ayaa ka warbixiyay shir caalamiya oo uu kaga qayb-galay dalka Hindiya kaas oo loogu magacdaray International Solar Allaince. Waxuuna sheegay in uu kulan wada yeesheen Ra’iisul Wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi, waxayna labada mas’uul ka wada hadlayn sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada arrimaha bini’aadanimadda, gaar ahaan Caafimaadka iyo Waxbarashada.

β€œMadaxda Hindiya waxaan ka wada hadalnay hannaanka isku socodka ee labada dawladooda iyo xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee jooga Hindiya, waxayna balan-qaadeen in ay ka shaqayn doonaan is-dhexgalka labada bulsho, si loo hagaajiyo loona fududeyo hannaanka isku socodka ee labada dawladood” Ayuu yiri Mudane Mahdi.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaw (Ducaale), oo golaha warbixin ka siiyay ammaanka dalka ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamadda nabbad illaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ay deegaanno badan kala wareegeen kooxda nabadiidka ah ee Al-shabaab. Taasina ay tahay guul ay gaartay Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa cadeeyay in ay meel wanaagsan marayso tirakoobka iyo Tayeynta ciidamadda Qalabka sida. Isagoona ka hadlay ciidamo loo soo xiray tababar kuwaas oo uu sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dadaaladda dalka looga xoreynayo kooxda argagaxisada iyo cadowga ummadda Soomaaliyeed.

β€œ Waxaan billownay barnaamij quudin ah oo loo samaynayo ciidamadda dalka, taas oo ah in cuntada ay cunaan ciidanka looga sameeyo dalagyadda kabaxa dalkeena. Si looga maarmo Raashinka dibadda looga keenayo ciidaka oo qarash badan kaga baxa dawladda, faa’iido badana aysan ku haysan Ciidanku”. Ayuu yiri Wasiiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa ka hadlay halka ay marayso dar-dargalinta Koboca dhaqaalaha heer-kiisa 2-aad ee (SMP2). Waxuuna wasiirku sheegay in dakhligga seddexda billood ee ugu horeysay oo Beesha Caalamka ay Soomaaliya ka sugeysay kaas oo dhan $41 Million( Afartan iyo Kow Milyan), in hadda lasoo xareeyay $32 Milion (Soddon iyo Lobo Miliyan), iyada oo wali bishii seddaxaad ay socoto. Waxuuna sidoo kale sheegay in bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka dawladda ay si habsami leh ku socoto.

Ugu dambayntii Shirka Golaha Wasiiradda ayaa intii uu socday waxaa lagu Ansixiyay 14-Heshiis oo dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2018 kuwaas oo kala ahaa, Heshiiska Ganacsigga iyo iskaashigga Dhaqaalaha. Heshiiska iskaashigga Gaadiidka Badda. Heshiiska Iskaashigga Maal-gashigga. Heshiiska Iskaashiga Isbitaalka Erdogan. Heshiiska Iskaashiga Biyaha. Heshiiska Iskaashiga Canshuuraha. Heshiiska Iskaashiga Tamarta. Heshiiska Iskaashiga Caafimaadka Bulshada. Is-af-garadka Waxbarashada Sare. Is-af-garadka waxsoosaarka Beeraha. Is-af-garadka Kaluumeysiga. Is-af-garadaka Caafimaadka Xoolaha .Is-af-garadka Guud ee abuuridda Guddiga iskaashigga Dhaqaalaha.Isfahamka Is-afgaradka ee dhaqanka.

——Β DHAMAAD———

Previous Post

Wasaaradda Amniga oo ka hadashay Qaraxii ka dhacay aga-gaarka Hotel Wehliye

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In