Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Daawo Sawirada Shirka Guud ee Qaramada Midoobay oo Maanta ka Furmay New York

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Daawo Sawirada Shirka Guud ee Qaramada Midoobay oo Maanta ka Furmay New York
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta QM ee New York, waxaana shirweynahan ay ka qayb-galaya Hoggaamiyeyaasha 93-dowladood oo caalamka ah, iyadoo Shirkan oo ah kii 70-aad ee QM ayaa looga hadli doonaa 17-Ajande oo ay ka mid yihiin: Iliilinta Nabadda iyo Xasiloonida Caalamka, In laga Fogaado Colaadaha Hubeysan, La-dagaallanka kooxaha argigixisada ah, Ka-fogaanta Midab-takoorka iyo Ajnabi Naceybka, Ilaalinta Deegaanka, Horumarka Guud ee Caalamka iyo Arrimo kale.

Qodobbada kale ee Shirka Sannadkan looga hadli doono ayaa Waxaa ka mid ah in is-bedel lagu sameeyo Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo in Dalalka kale oo Cusub lagu kordhioy iyo Weliba Hoggaamiyihii bedeli lahaa Ban Ki Moon.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Sannadkan 2015-ka, Waxaa kaloo la filayaa in khudbadaha Madaxweynayaasha ay micno gaar ah yeeshaan, dhibaatooyinka looga hadli doono waxaa ka mid ah; colaadaha Suuriya, Yemen, Ukrain, Argigixisada, is-badalka Cimilada Dunida iyo Qaxootiga ku Qulqulaya Qaaradda Yurub.

Waxaa kaloo lagu wadaa in kulanka Maanta ay khudbado ka jeediyaan Hoggaamiyeyaasha Ruushka, Ingiriiska, Mareykanka, Baraasiil, Poland iyo Faraniiska; iyagoo ka Hadli doona Arrimaha Dimuqraadiyadda, Qaxootiga, Daacish, Is-bedelka Cimilada iyo sidii xal looga gaari lahaa dhibaatada Bariga Dhexe, gaar ahaan Khilaafka Israel iyo Falastiin.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo haatan ku sugan New York ayaa ka Qayb-geli doona Furitaanka Doodaha Shir-weynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo lagu wado inuu kulanka ka jeediy khudbad.

Waxaa kaloo uu Xasan Sheekh kulamom kala duwan la yeelan doona madaxda Caalamka oo uu ka mid yahay; Ra’iisul Wasaaraha Britain, David Cameron iyo Mas’uuliyiin kale.

Qaramada Midoobay oo shaqadeedu tahay Fududeynta Sharciyadda Caalamka, Arrimaha Ammaanka, Dhaqaalaha, Bulshada iyo Xuquuqu Insaanka. Waxaana lau Aasaasay 24-kii Oktoobar, 1945-kii, Magaalada San Francisco ee Mareykanka kaddib markii uu burburay ururkii ka horreeyay ee League of Nations, kasoo wax ka qaban-waayay Dagaalkii 2-aad ee Adduunka.

Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa waxaa ay ka mid tahay lixda Hay’adood ee ka koobad tahay Qaramada Midoobay, Waxay Mas’uul ka tahay dajinta Siyaasadaha Caalamka, Waa meesha looga Codeeyo Arrimaha Ammaanka iyo Nabadgalyada Caalamka.

Dhanka kale, Waxaa shaqadeeda ka mid ah; Howlaha Nabad-ilaalinta Caalamka, Xalinta Murannada Dowladaha, Meel-marinta Miisaaniyada Qaramada Midoobey, Doorashada Xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka iyo Doorashada Xohayaha Guud ee Qaramada Midoobay kaddib soo jeedinta Golaha Ammaanka.

Ugu dambeyn, Dowlad kasta oo caalamka ka tirsan waxaay leedahay cod marka laga reebo dowladaha aan bixin lacaha is-tiraakaadka ah, Waxaana jira shan dal oo aan loo ogoleyn in ay ka codeeyaan QM, kuwaasoo kala ah: Comoros, Guinea-Bissau, Soomaaliy, Sao Tome and Principe iyo Yemen.

643790 644414 644530 644785 645081 645462 645465 645466 (1) 645466 (2) 645466 645467

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo Ammaanay Bulshadii ka qayb qaatay Nadaafadda Caasimadda

Next Post

Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Warbixisay Waxqabadka Wasaaradda

Next Post
Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Warbixisay Waxqabadka Wasaaradda

Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Warbixisay Waxqabadka Wasaaradda

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In