Tuesday, July 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka isku xirka Laamaha Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda oo looga hadlay qodobo dhowr ah

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Shirka isku xirka Laamaha Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda oo looga hadlay qodobo dhowr ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

July 7, 2026
Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

July 7, 2026
Agaasimaha guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col, Maxamed Aadan Koofi ayaa maanta furay Shirka Isku xirka Howlaha Laamaha iyo Xaafiisyada Hey’adda oo lagu qabtay nidaamka Fogaan aragga (Video Conference).
Agaasimaha Guud ee HSJ oo ugu horeyn shirka furay ayaa sharaxay ujeedada shirkaan loo qabto isagoo xusay in shirka isku xirka howlaha HSJ uu yahay shir 3-dii biloodba mar la qabto, Islamarkaana diiradda lagu saaro waxqabadka Hey’adda, caqabadaha ee Sedaxdii bilood ee la soo dhaafey iyo sidoo kale ansixinta qorashaha shaqo ee sadexda bilood ee soo socota.
Sidoo kale waxaa warbixin howleedka sadaxdii bilood ee la soo dhaafay iyo qorshaha shaqo ee 3-da bilood ee soo socota shirka ku soo bandhigay loogana dhegeystay Agaasime waaxeedyada iyo masuuliyiinta laamaha ay Hey’addu ee ka howlgala Gobolada. Inkasta oo COVID19 saameyn ku yeeshey howlaha hay’adda hadana madaxda shirka ka qeybgashey dhamaantood ayaa muujiyay in inta badan qorsheyaashii hay’adda ee sedaxdii bil ay fuleen.
Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa 3-dii bilood ee ugu danbeysay gudaheeda lagu soo kordhiyay Xafiisyo cusub ee Baasaboorka laga bixiyo kuwaas oo laga furay Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay iyo Safaaradda Soomaaliya Switzerland ee Geneva, Xafiisyadaas cusub ayaa u adeegi doono Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee baahida u qabo helidda Baasaboorka Soomaaliya. Sidoo kale Hey’adda ayaa 3-dii bil ee ugu dambeyso hormarin iyo casriyeyn ku sameysay habka qaadashada Baasaboorka. Dhinaca kale saraakiisha iyo howlwadeenada hay’adda ayaa ka qeybqaatey howlihii gurmadka ee daadadkii saameeyey gobolada qaar.
Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee HSJ Col. Maxamed Aadan Koofi oo shirka soo xiray ayaa Agaasimayaasha laamaha, Waaxyaha iyo madaxda Xafiisyada kula dardaarmay in ay waajibkooda u gutaan isla markaana fuliyaan habraacyada Caafimaadka ay soo saaraan Hey’adaha Caafimaadka dalka si looga hortago Faafitaanka Cudurka safmarka ah ee COVID-19. Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale xusay in Wadamada caalamka ay dib u furayaan adeegyadooda Socdaalka ka hey’ad ahaanna loo baahanyahay in loo diyaar garoobo dib u furidda adeegyada ay hay’addu bixiso.
Previous Post

Dowladda oo muwaadiniin ku xanibnaa sacuudiga ka soo daad gureeysay+sawirro

Next Post

Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo kormeeray xarumaha warbaahinta magaalada Gaalkacyo

Next Post
Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo kormeeray xarumaha warbaahinta magaalada Gaalkacyo

Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo kormeeray xarumaha warbaahinta magaalada Gaalkacyo

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

July 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Baydhabo kulan muhiim ah kula qaatay odayaasha...

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

July 7, 2026
0

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝟕 𝐋𝐮𝐮𝐥𝐲𝐨 𝟐𝟎𝟐𝟔 –Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

July 7, 2026
0

Muqdisho, 07, Luulyo, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiin ka tirsan hay'adaha dowladda, duubabka dhaqanka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

July 7, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkadir Cali, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In