Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Istiraatiijiyadda Warbaahinta Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay- SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shirka Istiraatiijiyadda Warbaahinta Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay- SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka horumarinta istiraatiijiyadda warbaahinta Soomaaliya, ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, ayadoo ay ka qeyb galayaan wasaaradaha warfaafinta dowlad-goboleedyada, ururrada saxaafadda iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera saxaafadda Soomaaliya.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasiirka warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa furay shirkaan, isagoo u mahad celiyay dadka soo qabanqaabiyay shirka iyo ka qeyb galayaasha oo ka yimid warbaahinta Soomaaliyeed.

Shirkaan ayaa daba socda shirkii qaran ee warbaahinta Soomaaliya oo bishii November lagu qabtay magaallada Muqdisho, kaas oo waxyaabihii ka soo baxay ay ku jireen in la sameeyo istiraatiijiyad qaran oo warbaahinta Soomaaliya lagu horumariyo shanta sano ee soo socota.

“Shirkaan wuxuu leeyahay laba ujeeddo, midi waa in la sameeyo qorshe 5 sano ah oo lagu horumarinayo wariyaha iyo warbaahinta Soomaaliya, tan labaadna waa in la soo bandhigo sharciga saxaafadda dalka ee dhawaan la ansixiyay” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Shirkaan ayaa cocon doona laba maalin, ayadoo gabagabada laga soo saari doono istiraatiijiyad qaran oo shanta sano ee soo socota lagu horumarin doono warbaahinta Soomaaliyeed. Hay’adaha IMS/FOJO iyo UNESCO ayaa shirkaan ka taageeraya wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

12544816_10153467781557087_1196664727_o 12546127_10153467781397087_1649144567_o 12546172_10153467781227087_1115029591_o 12506682_10201327564788709_465650134_n

Previous Post

11-ka Janaayo oo ka mid ah maalmaha astaanta  u ah Soomaaliya (Dhageyso Faalo arrintaasi ka hadlaysa)

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In