Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka looga hadlayo sida looga taxadari karo go’itaanka internetna oo la qabtay – SAWIRRO

admin by admin
August 2, 2017
in Wararka
0
Shirka looga hadlayo sida looga taxadari karo go’itaanka internetna oo la qabtay – SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

(Muqdisho, 02 Agoosto, 2017) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa maanta ku qabatay magaalada Muqdisho shir wada-tashi ah oo looga hadlay arrimo ku saabsan go’itaankii internetka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo tallaabooyinka xiga ee laga qaadi karo.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen shirkadaha isgaarsiinta, internetka, dalladaha mideeya jaamacadaha dalka iyo Jaamacadda Ummadda, ayaa waxaa looga hadlayay saameyntii uu yeeshay go’itaankii internetka iyo sidii sare loogu qaadi lahaa diyaar-garowga shirkadaha, iskaashiga shirkadaha dhexdooda iyo Wasaaradda ee xaaladahaas oo kale, daryeelka macaamiisha iyo qodobo kale oo la xiriira horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta dalka.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Mudane Maxamed Axmed Jaamac Maamulaha Shirkadda Dalkom Somalia ayaa faahfaahin dhinaca farsamada ah ka bixiyey qaabka uu u dhacay shilka iyo casharada ay ka barteen, isaga oo xusey diyaar-garowga shirkadda Dalkom ay uga gaashaamaneyso in aysan soo noqonin dhibaatadii ku dhacday adeegga internet-ka ee ay bixiyaan, isagoo ballanqaaday inay hay’adaha kala duwan ee dawladda la kaashan doonaan sidii arrimahaas looga taxadari lahaa.

Xildhibaan Khalid Macow Cabdulqaadir Gudoomiyaha Guddiga Warfaafinta, Wacyi-galinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka ayaa kula dardaarmay dhamaan ka soo qeybgalayaasha in dalka baahi weyn u qabo in la helo adeeg isgaarsiin oo tayo leh , isaga oo xusey in xeerka isgaarsiinta uu muhiim u yahay horumarinta isgaarsiinta dalka ayna hadda gacanta ku haayaan Guddiga.
Mas’uuliyiinta ka socotay shirkadaha isgaarsiinta iyo internetka waxa ay isku raaceen baahida loo qabo in la ballaariyo diyaar-garowga shirkadaha maadaama ay sii kordhayaan sida dhaqaalaha, waxbarashada iyo adeegyada ay bixiso dawladda ay ugu sii tiirsanaanayaan khadka internetka.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan oo madasha ka hadlay ayaa u sheegay shirkadaha in Wasaaraddu ay diyaar u tahay inay ku caawiso sidii ay u tayeyn lahaayeen adeeggooda, balse dhinaca kale ay u diyaar garoobaan in lagula xisaabtami doono wixii gaabis ah oo dhinacooda ay sabab u noqdaan.

‘Xeerka Isgaarsiinta Qaranka ee hor yaalla Golaha Shacabka waxaa loogu talo galay inuu difaaco xuquuqda shirkadaha iyo dadweynaha intaba waxa uuna muhiim u yahay horumarinta Isgaarsiinta dalka, haddii sharcigaas uu meel marana waxaa billaaban doona isla-xisaabtan iyo horumarin’ ayuu yiri wasiirka.

DHAMMAAD

Previous Post

Maxaabbiis Soomaali ah oo maanta lagu xukumay Mumbai

Next Post

Guddoonka Golaha Shacabka Oo Shaaciyey In La Fasaxay Miisaaniyadda Ciidammada Inta Doodu Socoto “DAAWO MUUQAAL”

Next Post
Guddoonka Golaha Shacabka Oo Bogaadiyey Hawlgallada Xasilinta Amniga Caasimadda ,,DAAWO

Guddoonka Golaha Shacabka Oo Shaaciyey In La Fasaxay Miisaaniyadda Ciidammada Inta Doodu Socoto “DAAWO MUUQAAL”

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In