Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo laga taageeray Sweden

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha oo ka socota magaalada Cadaado
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflada lagu taageerayey shirweynaha maamul u sameynta gobalada  dhexe oo ay gogoshiisu taalo magaalada Cadaado ayna soo abaabuleen gabdhaha ka soo jeedo gobaladaasi ee ku nool wadanka Sweden ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm  ee caasimada Dalka Sweden.

Xafladan oo ay si wada jir ah  ay uga soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee  Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa si weyn logu taageeray hanaanka uu u socdo shirweynaha, iyada oo fariin isugu jirtay guubaabo iyo dhiiri gelin loogu diray ka qeybgalayaasha  shirweynaha, taas oo la xiriirtay ka mira dhalinta shirka, waxaana ergooyinkana loogu baaqay in ay la yimaadaan tanaasul iyo isu dabacsanaan.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Siyaasi Cali Salaad Xildhibaan ka tirsan Baarlakamaanka Stockholm oo xafladda ka hadlay ayaa yiri “Anaga waxaa na deeqo in  shirkaasi uu maamul ka soo baxo ee shaqsigii madax ka noqonayo macno nooma sameyneyso shaqsiga uu yahay iyo degmaduu ka soo jeedo. laakiin waxaan rajeynayaa in dareenka guud iyo baahida jirta in ay qaataan oo maamul cadaalad ah gobaladaasi loo sameeyo”

Maxamuud Afgooye. Siyaasi Soomaaliyeed ayaa dhankiisa yiri “Ahmiyadda ay leedahay maamul loo helo Gbollada Mudug iyo Galgaduud, waxaad ka dareemi kartaa kaalinta ay dowlada dhexe ka qaadatay, waa u mahadcelineynaa dowladeena wey nala joogeen, weyna u seexdeen in uu maamulkaas dhismo ,  marka anaga doorkeena waa in aan qaadanaa  hada gabdha ayaa noo bilaabay, maxaan ku kordhineynaa aqoon, dhaqaale iyo talaba”

Xaliimo Jaamac oo ka mid ahayd haweenkii ka hadashay xafladda lagu taageerayay shirweynaha ka socda magaalada Cadaado ee lagu dhisayo maamul loo dhanyahay oo ay ka wada qeyb galaan bulshada ku nool Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa tiri “Waxaan u hambaleynayaa shirweynaha  ka socdo magaalada Cadaado, waxaana u rajaynayaa guul, si gaar ahaan hadii aan nahay gabdhihii gobalada dhexe, waxaan diyaar u nahay iskaa wax u qabso in aan idinku biirino  hiil iyo hoo intaba”

Ka qeybgalayaasha xafladan ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka gobalada dhexe inay muujiyaan isku duubni, isla markaana ay taageeraan natiijada ka soo baxdo shirkaasi, iyada oo dhinaca kale Jaaliyadda gobalada dhexe  ee dalka Sweden ay balan qaaday in ay door muuqda ka qaadan doonto  dib u dhiska iyo horumarka gobaladaaasi.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee radio Muqdisho

Next Post

Boqorka Sacuudiga oo isbedel Taariikhi ah ku sameeyay nidaamka dhaxal tooyada Sacuudi Carabiya

Next Post
Boqorka Sacuudiga oo isbedel Taariikhi ah ku sameeyay nidaamka dhaxal tooyada Sacuudi Carabiya

Boqorka Sacuudiga oo isbedel Taariikhi ah ku sameeyay nidaamka dhaxal tooyada Sacuudi Carabiya

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In