Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo laga taageeray Sweden

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha oo ka socota magaalada Cadaado
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflada lagu taageerayey shirweynaha maamul u sameynta gobalada  dhexe oo ay gogoshiisu taalo magaalada Cadaado ayna soo abaabuleen gabdhaha ka soo jeedo gobaladaasi ee ku nool wadanka Sweden ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm  ee caasimada Dalka Sweden.

Xafladan oo ay si wada jir ah  ay uga soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee  Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa si weyn logu taageeray hanaanka uu u socdo shirweynaha, iyada oo fariin isugu jirtay guubaabo iyo dhiiri gelin loogu diray ka qeybgalayaasha  shirweynaha, taas oo la xiriirtay ka mira dhalinta shirka, waxaana ergooyinkana loogu baaqay in ay la yimaadaan tanaasul iyo isu dabacsanaan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Siyaasi Cali Salaad Xildhibaan ka tirsan Baarlakamaanka Stockholm oo xafladda ka hadlay ayaa yiri “Anaga waxaa na deeqo in  shirkaasi uu maamul ka soo baxo ee shaqsigii madax ka noqonayo macno nooma sameyneyso shaqsiga uu yahay iyo degmaduu ka soo jeedo. laakiin waxaan rajeynayaa in dareenka guud iyo baahida jirta in ay qaataan oo maamul cadaalad ah gobaladaasi loo sameeyo”

Maxamuud Afgooye. Siyaasi Soomaaliyeed ayaa dhankiisa yiri “Ahmiyadda ay leedahay maamul loo helo Gbollada Mudug iyo Galgaduud, waxaad ka dareemi kartaa kaalinta ay dowlada dhexe ka qaadatay, waa u mahadcelineynaa dowladeena wey nala joogeen, weyna u seexdeen in uu maamulkaas dhismo ,  marka anaga doorkeena waa in aan qaadanaa  hada gabdha ayaa noo bilaabay, maxaan ku kordhineynaa aqoon, dhaqaale iyo talaba”

Xaliimo Jaamac oo ka mid ahayd haweenkii ka hadashay xafladda lagu taageerayay shirweynaha ka socda magaalada Cadaado ee lagu dhisayo maamul loo dhanyahay oo ay ka wada qeyb galaan bulshada ku nool Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa tiri “Waxaan u hambaleynayaa shirweynaha  ka socdo magaalada Cadaado, waxaana u rajaynayaa guul, si gaar ahaan hadii aan nahay gabdhihii gobalada dhexe, waxaan diyaar u nahay iskaa wax u qabso in aan idinku biirino  hiil iyo hoo intaba”

Ka qeybgalayaasha xafladan ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka gobalada dhexe inay muujiyaan isku duubni, isla markaana ay taageeraan natiijada ka soo baxdo shirkaasi, iyada oo dhinaca kale Jaaliyadda gobalada dhexe  ee dalka Sweden ay balan qaaday in ay door muuqda ka qaadan doonto  dib u dhiska iyo horumarka gobaladaaasi.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee radio Muqdisho

Next Post

Boqorka Sacuudiga oo isbedel Taariikhi ah ku sameeyay nidaamka dhaxal tooyada Sacuudi Carabiya

Next Post
Boqorka Sacuudiga oo isbedel Taariikhi ah ku sameeyay nidaamka dhaxal tooyada Sacuudi Carabiya

Boqorka Sacuudiga oo isbedel Taariikhi ah ku sameeyay nidaamka dhaxal tooyada Sacuudi Carabiya

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In