Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Maamullada Degmooyinka oo looga hadlay Qorshaha Horumarinta 2019 “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Shirka Maamullada Degmooyinka oo looga hadlay Qorshaha Horumarinta 2019 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo guddoominayey Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa lagaga hadlay qorshaha faya dhowrka Caasimadda, amniga, Olalaha Isxilqaan iyo qaban soo bandhiggidda Sawirrada taariikhda Muqdisho.

 

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026

Shirkan ayaa ku qabsoomay xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Warta Nabadda, iyadoona Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ay soo bandhigeen waxqabadka sanadkan ee arrimaha bulshada, la dagaalanka musuq maasuqa iyo baahinta adgeeyada asaasiga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa boggaadiyey isku duubnida dhinaca amniga ee shacabka iyo hay’adaha amniga, kaas oo horseeday in laga hortago falal badan oo argagixisada Alshabaab ay u maleegeen shacabka.

Arrimaha sida gaarka ah ay uga wada hadleen Maamulka Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinku ayaa waxaa ka mid ahaa qorshaha dib u habaynta bulaacadaha Caasimadda oo haatan ay howlgaleen bulaacadaha mara degmooyinka Xamarweyne iyo X/Jajab, iyadoo ay soo dhammaatay daraasadda ku aaddan sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha ku xeeran faya-dhawrka degmooyinka Gobolka oo iska kaashadeen Gobolka Banaadir iyo UNDP.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyey sida bulshada Gobolku ay uga qeyb qaadanayaan Olalaha Isxilqaan, kaddib markii muddo kooban lagu hirgelyey qorshaha dib u dhiska Tiyaatar-ka iyo Madxafka Qaranka, isagoona ku ammaanay Shaqaalaha Gobolka Banaadir iyo kan Warta Nabadda oo todobaadkan sameeyey olale ay ku nadiifinayaan Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho.

–DHAMMAAD–

 

Previous Post

Somalia’s SUN Movement discusses the readiness of doing cost of the diet analysis

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Gaaray Dalka Qatar “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Gaaray Dalka Qatar “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Gaaray Dalka Qatar "SAWIRRO"

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaadatay ururrada Haweenka,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulan muhiim ah la-qaatay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

April 4, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashaneysa shirkadda Somali Fuel Company (SFC), ayaa maanta deeq raashin ah ku wareejisay...

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

April 4, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qaybgalay munaasababad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In