Waxaa maanta Muqdisho lagu soo xiray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2026), oo diiradda lagu saaray diyaar-garowga saameynta Super El Niño 2026, digniinta hore, tallaabada hore iyo abaabulka taageerada bani’aadannimada.
Shirka waxaa kasoo qayb galay Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, mas’uuliyiin ka socday Dowlad-gobaleedyada, hay’adaha bani’aadannimada, bah-wadaagta caalamiga ah iyo bulshada rayidka ah. Intii uu socday, waxaa si gaar ah looga hadlay xoojinta diyaar-garowga iyo qorshayaasha gurmadka fatahaadaha, abaabulka taageerada bani’aadannimada, iyo sidii digniinta hore iyo xogta khatarta loo gaarsiin lahaa bulshada nugul, gaar ahaan dadka ku nool deegaanada fogfog.
Shirka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda iyo wada-shaqeynta Dowladda, Dowlad-gobaleedyada iyo hay’adaha bani’aadannimada, si loo xaqiijiyo in tallaabooyin hore la qaado, loona yareeyo saameynta fatahaadaha, barakaca iyo xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhalan kara El Niño 2026.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in la gaaray xilligii bulshada Soomaaliyeed ay muujin lahayd isku-duubni iyo abaabul buuxa, si looga hortago loona yareeyo khataraha ka dhalan kara El Niño.
Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo shirka soo xiray, ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso diyaar-garowga iyo abaabulka lagu yareynayo khataraha El Niño inay si buuxda ula shaqeeyaan Hay’adda SoDMA, oo ah hay’adda dalka u qaabilsan hoggaaminta iyo isku-duwidda howlaha maareynta musiibooyinka.











