Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 weeks ago
in Wararka
0
Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta Muqdisho lagu soo xiray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2026), oo diiradda lagu saaray diyaar-garowga saameynta Super El Niño 2026, digniinta hore, tallaabada hore iyo abaabulka taageerada bani’aadannimada.

Shirka waxaa kasoo qayb galay Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, mas’uuliyiin ka socday Dowlad-gobaleedyada, hay’adaha bani’aadannimada, bah-wadaagta caalamiga ah iyo bulshada rayidka ah. Intii uu socday, waxaa si gaar ah looga hadlay xoojinta diyaar-garowga iyo qorshayaasha gurmadka fatahaadaha, abaabulka taageerada bani’aadannimada, iyo sidii digniinta hore iyo xogta khatarta loo gaarsiin lahaa bulshada nugul, gaar ahaan dadka ku nool deegaanada fogfog.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Shirka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda iyo wada-shaqeynta Dowladda, Dowlad-gobaleedyada iyo hay’adaha bani’aadannimada, si loo xaqiijiyo in tallaabooyin hore la qaado, loona yareeyo saameynta fatahaadaha, barakaca iyo xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhalan kara El Niño 2026.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in la gaaray xilligii bulshada Soomaaliyeed ay muujin lahayd isku-duubni iyo abaabul buuxa, si looga hortago loona yareeyo khataraha ka dhalan kara El Niño.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo shirka soo xiray, ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso diyaar-garowga iyo abaabulka lagu yareynayo khataraha El Niño inay si buuxda ula shaqeeyaan Hay’adda SoDMA, oo ah hay’adda dalka u qaabilsan hoggaaminta iyo isku-duwidda howlaha maareynta musiibooyinka.

 

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Next Post

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

Next Post
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In