Sunday, August 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Madasha Qaxootiga oo ka furmay Muqdisho

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Shirka Madasha Qaxootiga oo ka furmay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Hey’adda Qaxootiga Qaranka, ayaa Muqdisho kusoo bandhigtay Ballanqaadyada dowladda ee ku aaddan Qaxootiga iyo Barakacayaasha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo khudbad kooban kajeediyay madasha, ayaa waxaa uu sheegay in arrintan ay ka qeyb ka tahay ka go’naanshiyaha dowladda ee xal u helidda baraka isaga oo yiri “Ballanqaadyadani waxaa ay ka tarjumayaan ka go’naanshiyaha dowladda ee xal fog in loo helo arrimaha barakaca baahsan ee ay sababtay isbadalka cimilada”.

Related posts

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

August 9, 2026
Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

August 9, 2026

Dhanka kale mudane Fiqi waxaa uu xusay in isbadalka cimilada ee dalka ka jira ay sababtay xaalad banii’aadnimo, sidoo kale ay halis ku tahay amniga qranka, yoolka SDG, ayna dhimeyso dagaalka lagula jiro argigixisada “Waddankeenu waa mid aad ugu nugul isbadalka cimilada, duufaanka El Niño oo geysanaysa dhibaato naf iyo maal ah taas oo sii kordhineysa barakaca baahsan oo markii horeba aan la daalaadhaceynay, iyada oo 3 milyan ay barakac ahaayeen ay hadda El Niño ku biirisay hal milyan oo kale, weliba khatarta ay sii socoto”.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu carabta ku dhuftay in ballanqaadyadani ay Soomaaliya horgeyn doonto shirar caalami ah “Ballanqaadyadaan waxaa aan la tagi doonnaa shirka caalamiga ah ee cimilada ee COP28, si gaar ah maalinta bini’aadanimada ee 3-da Dec, Sidoo kale waxaan ka qeyb-galaynaa isla markaana shir guddoomin donnaa shirka arrimaha qaxootiga ee GRF, taas oo ku muujinayno kaalinta Soomaaliya ee ka jawaabista adduunka ee qaxootiga, iyo sida dowladda Soomalaiya ula falgaleyso shuruucda caalamiga ah ee qaxootida iyo xuquuqda aadanaha.

Soomaaliya waxa ay mas’uuliyadda la qeybsanaysaa waddamada gobolka ee IGAD, kuwaas oo martigaliya qaxooti Somaaliyeed, sidoo kale, annga waxaan rabnaa in IGAD iyo adduun weynaha nala qeyb-sadaan mas’uuliyadda barakaca, iyo martagalinteenna qaxootiga waddamada dariska ah.

Soomaaliya oo geynaysa ballanqaadyadaan shirka arrimaha qaxootiga adduunka waxa ay sidoo kale ka dhigan tahay mas’uuliyadda dowladda Soomalaiya ee adduunka iyo in Soomaaliya loo muujiyo isbagarab istaag maadaama ay la tacaalayso barakac gudaha ah iyo martigalinta qaxootiga waddamada dariska nooga yimaada”.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka hadlay Ansixinta ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC 

Next Post

Somalia welcomes its membership as 8th member of the East Africa Community

Next Post
Somalia welcomes its membership as 8th member of the East Africa Community

Somalia welcomes its membership as 8th member of the East Africa Community

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

August 9, 2026
0

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo...

Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

August 9, 2026
0

Maamulka Warbaahinta Qaranka ayaa abaalmarin lacageed guddoonsiiyay tartamayaasha degmooyinkii kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad ka galay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

August 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan...

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

August 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho ka socota xaflad si rasmi ah loogu shaacinayo, natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In