Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Madasha Wadatashiga Golaha Horumarinta Qaranka oo lagi qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 14, 2024
in Wararka
0
Shirka Madasha Wadatashiga Golaha Horumarinta Qaranka oo lagi qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Madasha Wadatashiga Golaha Horumarinta Qaranka (National Development Council) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Shirka waxaa guddoomiyay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiyaha Golaha Horumarinta Qaranka, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene). Waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Wasiirka Qorsheynta Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, Wasiirka Qorsheynta Galmudug, Mudane Axmed Cali Maxamed, Wasiirka Qorsheynta Hirshabeelle, Mudane Maxamed Cabdi Cali, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Nuur Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamed Shire, Agaasimyaasha Guud ee Dowlad Goboleedyada, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Qorsheynta, iyo la taliye-yaal sare.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa howlaha muhiimka ah ee Golaha Horumarinta Qaranka uu hayo iyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada horumarineed ee dalka oo dhan.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Qodobada Muhiimka ee Kulanka

1. Joogteynta Kulamada:

Golaha Horumarinta Qaranka ayaa isku raacay in la joogteeyo kulamada Golaha si loo xoojiyo ka wada-shaqeynta dhammaan howlaha shaqo ee ka dhaxeeya Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

2. Qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ: 2025 -2029):

Goluhu waxa uu si wadajir ah diiradda u saaray dar-dar gellinta diyaarinta Qorshaha Isbedelka Qaran kaas oo bedelaya Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad ee gebo-gebada ah. Dowlad Goboleedyada waxaa laga taageeri doonaa diyaarinta iyo dib-u-eegista qorsheyaasha horumarineed si loo waafajiyo Qorshaha Isbedelka Qaranka.

3. Xalka Barakacayaasha:

Goluhu waxa uu isku raacay in xal waara loo helo barakacayaasha dalka ku sugan iyo in la dar-dar geliyo dhameystirka diyaarinta Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara. Qorshahan waxaa loogu talogalay in hal milyuun oo barakacayaal ah looga saaro xaaladaha barakac ee ay ku sugan yihiin sida waafaqsan Istaraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara.

4. Dhiirigelinta Maalgashiga:

Goluhu waxa uu isku raacay xoojinta dadaallada dhiirigelinta maalgashiga caalamiga ah si looga wareego gar-gaarka bini’aadminimo loona wareego horumarinta dalka. Waxa uu ku baaqay in la dhameystiro dhammaan shuruucda qabyada ah (heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed), gaar ahaan kuwa hor yaalla Golaha Baarlamaanka sida Sharciga Maalgashiga Soomaaliya.

5. Kormeerka iyo Qiimeynta:

Goluhu waxa uu isku raacay in la xoojiyo nidaamka Kormeerka iyo Qiimeynta dalka si loo xaqiijiyo in dhammaan mashaariicda dalka ka socdaa waafaqsanyihiin Qorshaha Horumarinta Qaranka. Waxa uu soo dhaweeyay ansixinta Siyaasadda Qaran ee Kormeerka iyo Qiimaynta oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada XFS, iyo xoojinta fulinta iyo dhaqangelinta siyaasadda.

Golaha Horumarinta Qaranka waxa uu ka kooban yahay Wasaaradaha Qorsheynta ee labada heer ee Dowladda (Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowlad Goboleedyada dalka), taas oo sare u qaadaysa wada shaqeynta iyo horumarinta qorsheyaasha dalka.




Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Masar oo laga Guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirennimo

Next Post

Howlgallo lagu sifeeynaayo Khawaarijta oo ka socda Gobolka Hiraan 

Next Post
Howlgallo lagu sifeeynaayo Khawaarijta oo ka socda Gobolka Hiraan 

Howlgallo lagu sifeeynaayo Khawaarijta oo ka socda Gobolka Hiraan 

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In