Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Garoowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka sedexdii bilba mar qabsooma ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka (MoCA Forum) ayaa maanta si habsami leh uga furmay magaalada Garoowe, waxaana shirka furay Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiim Xaaji Cumar Cameey.

Kulanka maanta ee MoCA Forum waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Dastuurka ee XFS, Gudoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga ee Gobolka Banaadir, iyo Wasiirada Dawlad Goboleedyada (DG) ee Arrimaha Dastuurka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026

Mudane Camey ayaa khudbad khiiro lahayd ku furay shirka isaga oo ku dheeraaday in wadashaqeynta la xoojiyo.

“Farxad bay ii tahay in aan maanta ka soo qaybgalo shirkan, waxa aan idiin xusuusinayaa in Madashan aysan noqon sida madalo hore oo aan danta shacabka Soomaaliyeed ka shaqayn jirin, Wasiirada DGyada waxa aan kula dardaarmayaa in ay garab istaagaan Wasiir Cabdi Xoosh oo laga fogaado khilaaf, si taa la mid ah waxa aan idin kula dardaarmayaa in aad xoojisaan wadashaqeynta iyo midnimadiina si looga miradhaliyo hawlaha baaxadda leh ee idiin horyaalla; shirkuna waa inoo furanyahay” ayuu yiri Mudane Cameey.

Intaa kadib Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka hadlay shirka isaga oo ka warbixiyay hawlihii Wasaaradda u qabsoomay sedexdii bil ee la soo dhaafay.

“Boqolkii maalin ee aan ka soo gudubnay waxa aan ku soo guuleysanay hawlo badan oo ay kamid ahaayeen heshiiskii aan la saxiixanay Guddiyada ay hawsha Qaran inaga dhaxeyso iyo sidoo kale diyaarinta Istiraatiijiyadda Wacyigelinta Dadweynaha ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka oo madasha inta ay socoto lagu soo bandhigi doono” ayuu yiri AVV Cabdi Xoosh.

Dhanka kale, Wasiirada DGyada ayaa dhankooda ka warbixiyeen waxqabadka Wasaaradahooda iyo hawlaha u qorsheeysan bilooyinka soo socda.

Ugu dambayn, shirka MoCA Forum ayaa la soo xiri doonaa maalinta Sabtida ah waxaana laga soo saari doona War-murtiyeed.

—–DHAMAAD—–

 

Previous Post

Xidigaha Xulka Jubbaland oo ku guuleystay tartanka cayaaraha Maamul Goboleedyada

Next Post

Maamulka Koonfur Gaalbeed oo Haweenka ku wacyi gelinaya ka qayb qaadashada Golaha Degaanka “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Koonfur Gaalbeed oo Haweenka ku wacyi gelinaya ka qayb qaadashada Golaha Degaanka “SAWIRRO”

Maamulka Koonfur Gaalbeed oo Haweenka ku wacyi gelinaya ka qayb qaadashada Golaha Degaanka "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In