Shirkan maanta Cadaado lagu soo gabangabeeyay ee looga hadlayay midaynta siyaasadda dawladaha hoose ee dalka ayaa ahaa midkii sadexaad oo ay yeesheen wasaaradda arrimaha gudaha federaalka, wasiirada arrimaha gudaha dawlad goboleedyada dalka, iyo wakiilo ka socda Hiiraan, Shabeelada dhexe iyo Banaadir.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose ee Galmudug Jaamac Xasan Salaad ayaa sheegay in afartii maalmood ee shirku socday la qabtay hawl muhiim ah oo bulshada Soomaaliyeed waxtar u leh.
Shirka aya waxaa laga soo saaray qodobo muhiim ah oo ka qaybgalayaashu isku afgarteen, waxaana warbaahinta u aqriyay xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arrimaha gudaha iyo Federaalka Yaxye Cali Ibraahim.
Shirka kan xiga ee lagu dhamaystirayo habkan Wadajir loogu magacdaray ayaa lagu qabandoonaa magaalada Baydhabo ee dawlad goboleedka Koofur Galbeed sida shirka lagu go’aamiyay
C/raxman Ibrahim Aaden wasiirka arrimaha gudaha koofurgalbeed ayaa sheegay in dhawaan si ficil ah loo fulindoono mashruucan oo wax ka taraya baahiyada hormarineed ee degmooyinka dalka.