Shirka qiimeynta iyo jiheynta qorshaha Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ee labadii maalin ugu dambeysay ka socday magaalada Muqdisho ayaa maanta la soo gabogabeeyey.
Shirkaan oo ah mid lagu qiimeynayey waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradda Warfaafinta sanadkii la soo dhaafay ee 2018-ka iyo qorshaha u degsan sanadkaan 2019-ka ayaa mudada laboo cisho ee la soo dhaafay diirada lagu saaray waxqabadka Waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta iyo in shaqada hadda socoto loo diyaariyo waxa asalka ah si loogu fur-furnaado shaqada Wasaaradda warfaafinta loo igmaday.
Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Axmed Xuseen oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in labadii cisho ee ugu horeeyay shirka looga hadlay siddii Waxqabadka waaxyaha Wasaaradda loo qiimeyn lahaa loona dar dar gelin lahaa howlaha socda.
Sidoo kale, Agaasime Cabdiraxmaan Axmed Xuseen ayaa xusay in qorshaha maanta ee kulanka looga hadlay ay tahay qorshaha sanadka 2019-ka ay Wasaaradda Warfaafinta degsatay siddii dib u eegis loogu sameyn lahaa iyo siddii waxqabadka Dowladda loogu soo bandhigi lahaa Shacabka Soomaaliyeed.
Shirkaan oo 16-kii bishan furmay ayaa waaxyaha qaar ee Wasaaradda Warfaafinta waxay ku soo bandhigeen howlahooda shaqo ee hadda iyo kan mustaqbalka u degsan iyo siddii loo gaari lahaa halbeegyada u ah Waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumaadda Soomaaliya.