Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka qorshe howleedka wasaaradda waxbarashada oo Muqdisho ka furmey

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Xal u helida is maandhaafka u dhaxeeya wasaaradda waxbarashada iyo Daladaha waxbarashada oo kulan laga yeeshay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa maanta waxaa furay wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dalka, waxaana looga hadlayaa dib u habaynta qorshe hawleedka wasaaradda, kaas oo taabanaya dardargalinta samaynta manhajka waxbarasho ee dalka, muhiimad kala siinta hawlaha horyaala wasaaradda iyo tayaynta shaqaalaha wasaaradda.

Shirka oo lagu qabtay xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ee magaalada Muqdisho  waxaa ka qaybgalay hawlwadeeno ka tirsan wasaaradda waxbarashada iyo aqoonyahano Soomaaliyeed, kuwaas oo mawduucyadaas ka faaloondoona labada maalin ee shirku socdo.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda waxbarashada Axmed Yuusuf Maxamed,ayaa sheegay in wasaaraddu ay horyaalaan hawlo badan oo ay lama huraan tahay in gudashadooda loo istaago, shirkana uu qayb ka yahay fulinta howlahaas.

Faysal Cumar Guuleed, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ayaa isna sheegay in talooyinka iyo qodobada ka soo baxa shirkan ay ka qayb qaadan doonaan dadaalka lagu jihaynayo hawlaha wasaaradda.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dawladda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, ayaa sheegay inay ka go’an tahay hirgalinta manhaj waxbarasho oo ka tarjumaya danaha iyo hiigsiga bulshada Soomaaliyeed, taas oo u baahan dadaal dheeraad ah.

Previous Post

Wasaaradda Amniga ayaa ka hadashay sababta loo xiray wadooyinka Magaaladda Muqdisho.

Next Post

Deg deg: Qarax ka dhacay Muqdisho

Next Post
WAR DEG DEG:- Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo

Deg deg: Qarax ka dhacay Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In