Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Saddex Billaha ah ee Cadaaladda oo lagu qabtay Muqdisho

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Shirka Saddex Billaha ah ee Cadaaladda oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waa shir seddexdii biloodba mar ay isku yimaadaan bahda cadaaladda dalka iyo deeq bixiyeyaasha caalamka, kaasoo lagu soo bandhigo wax yaabaha laga qabtay arrimaha garsoorka iyo Cadaalada markaasi socda ee la doonayo in lagu sii hormariyo, waxaa ka qayb galay wakiilo ka socday dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, gobolka Banaadir Wasaaradda Cadaaladda oo hormuud u ah xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee arrimaha cadaalada ka shaqeeya, sidoo kale dowladaha Denmark iyo Holand ayaa ka mid aha ka qayb galayaasha shirka maanta.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo furay shirka ayaa ka jeediyay Khudbad uu uga hadlay horumarka laga sameeyay arrimaha cadaalada dalka iyo dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto in la sii balaariyo, isaggoo halkaa ka sheegay in dhawaan la dhisi doono golaha adeegga garsoorka iyo kan la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Wasaaradda Cadaaladda ayaa shirka kusoo bandhigtay waxyaabihii u qabsoomay bilihii dambe waxaa sidoo kale la soo bandhigay daraasaad iyo xog uruurin laga sameeyay helitaanka cadaaladda ee bulshada, taasi oo laga sameeyay guud ahaan dalka.

Wasiirka Cadaaladda XFS ayaa markii uu soo idlaaday Shirka oo saacado qaatay ka hadlay muhiimada uu lahaa Shirkaasi iyo xogtii lagu soo bandhigay.

“Shirkaanw aa mid Seddexdii bilba mar aan yeelano bahda cadaaladda ee Heer federal iyo heer dowlad goboleed, waxaa nagala qayb galay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo deeq bixiyaasha oo runtii ad u ammaanay xogta lagu soo bandhigay, waxaana uu qayb ka yahay shirarka looga hadlayo hormarinta hanaanka cadaalada dalka, waxaan rabnaa oo aan halkaana ka sheegnay in sanadkaan aan dhameestiri doono dhismaha guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa iyo golaha adeega garsoorka oo hadda meelgaba-gaba ah noo maraya”ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda.

Previous Post

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo la kulmay Iskaashatooyinka Kulluumeysatada+sawirro

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo furay Shirka Wadajir ee Hannaanka Qaran ee Dowladdaha Hoose+Sawirro

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo furay Shirka Wadajir ee Hannaanka Qaran ee Dowladdaha Hoose+Sawirro

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo furay Shirka Wadajir ee Hannaanka Qaran ee Dowladdaha Hoose+Sawirro

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In