Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Saxafiyiinta dalalka Carabta iyo dalka Shiinaha oo ka furmay magaalada Beijing

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Shirka Saxafiyiinta dalalka Carabta iyo dalka Shiinaha oo ka furmay magaalada Beijing
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hoolka shirarka Jaamacadda waxbarashada Ajnebiga ee magaalada Beijing waxaa saaka ka dhacay xafladda furitaanka barnaamijka saxafiyiinta dalalka Carabta iyo dalka Shiinaha kaas oo uu soo agaasimay machadka China-Arab states press oo muddo bil ka badan ka socon doona wadankan.

 

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026

Xafladda waxaa lagu casuumay oo ka soo qeybgalay danjireyaal iyo diplomaasiyiinta dalalka Jaamacada Carabta ee jooga Shinaha, sidoo kale waxaa joogay mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda China iyo madaxda jaamacada Beijing foreign studies.

Luo linquan,  oo ku xigeenka madax qeybta diblomaasiyada we jamacada oo xafladda ka hadlay ayaa soo dhoweeyay ka qeybagaliyaash barnaamijka, waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka xiriirka ka dhexeeya Shinaha iyo dalalka Jaamacada Carabta.

Waxaa sidoo kale, xusay in u jeedada laga leeyahay in ay tahay isku soo dhoweynta shucuubta labada dhinac iyo sidii loo abuuri xiriir ka balaaran kii horey u jirey, maadaama qalabka warbaahinta uu yahay mid sahlaya gudbinta fariinta saxda ah.

14 saxafi, oo ka kala socda dowladaha Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya kamid yahay ayaa qeybgalaya barnaamijka sanadkan 2019, waana kuwii ugu horeeyay oo ka qeybgalaya barnaamijka xarunta China-Arab states press.

Xarunta China-Arab states press, ayaa kamid ah xarumaha hoostaga wasaaradda arrimaha dibadda China, kuwaas oo dowladda Shiinaha ugu gol leedahay in ay ku abuurto isdhexgal dhaqan- dhaqaale oo ay la yeelato dalalka jaamacada Carabta.

Barnaamijka tababarka saxafiyiinta, waxaa uu socod doonaa muddo bil iyo bar ah, iyadoo booqashooyin gobolo kala duwan ee dalka shiinaha iyo xarumaha dowliga iyo goobaha kale sida xarumaha ganacsiga.

Saxafiyiinta, waxaa ay booqdeen xarunta wasaaradda arrimaha dibadda China, waxa qaabiley danjiraha Shiinaha ee Jamacada Carabta kaas oo ugu waramay qorshaha dowlada ee ku aadan dalalka Jaamacada Carabta.

Qorshaha ugu weyn ee Shiinaha ayaa ah hirgelinta waddada xariirta waxaana ilaa hadda ay heshiis arrintaas ku aadan la galeen 16 dowladood oo ururkaas ku jira.

 

Previous Post

Beesha Caalamka oo Soomaaliya ku taagertay Dib-u-hayebynta Hay’adaha Ammaanka.

Next Post

Burcad isugu jiro Ciidan iyo Maleeshiyo oo la xukumay.

Next Post
Burcad isugu jiro Ciidan iyo Maleeshiyo oo la xukumay.

Burcad isugu jiro Ciidan iyo Maleeshiyo oo la xukumay.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In