Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Saxafiyiinta dalalka Carabta iyo dalka Shiinaha oo ka furmay magaalada Beijing

admin by admin
March 26, 2019
in Wararka
0
Shirka Saxafiyiinta dalalka Carabta iyo dalka Shiinaha oo ka furmay magaalada Beijing
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hoolka shirarka Jaamacadda waxbarashada Ajnebiga ee magaalada Beijing waxaa saaka ka dhacay xafladda furitaanka barnaamijka saxafiyiinta dalalka Carabta iyo dalka Shiinaha kaas oo uu soo agaasimay machadka China-Arab states press oo muddo bil ka badan ka socon doona wadankan.

 

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Xafladda waxaa lagu casuumay oo ka soo qeybgalay danjireyaal iyo diplomaasiyiinta dalalka Jaamacada Carabta ee jooga Shinaha, sidoo kale waxaa joogay mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda China iyo madaxda jaamacada Beijing foreign studies.

Luo linquan,  oo ku xigeenka madax qeybta diblomaasiyada we jamacada oo xafladda ka hadlay ayaa soo dhoweeyay ka qeybagaliyaash barnaamijka, waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka xiriirka ka dhexeeya Shinaha iyo dalalka Jaamacada Carabta.

Waxaa sidoo kale, xusay in u jeedada laga leeyahay in ay tahay isku soo dhoweynta shucuubta labada dhinac iyo sidii loo abuuri xiriir ka balaaran kii horey u jirey, maadaama qalabka warbaahinta uu yahay mid sahlaya gudbinta fariinta saxda ah.

14 saxafi, oo ka kala socda dowladaha Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya kamid yahay ayaa qeybgalaya barnaamijka sanadkan 2019, waana kuwii ugu horeeyay oo ka qeybgalaya barnaamijka xarunta China-Arab states press.

Xarunta China-Arab states press, ayaa kamid ah xarumaha hoostaga wasaaradda arrimaha dibadda China, kuwaas oo dowladda Shiinaha ugu gol leedahay in ay ku abuurto isdhexgal dhaqan- dhaqaale oo ay la yeelato dalalka jaamacada Carabta.

Barnaamijka tababarka saxafiyiinta, waxaa uu socod doonaa muddo bil iyo bar ah, iyadoo booqashooyin gobolo kala duwan ee dalka shiinaha iyo xarumaha dowliga iyo goobaha kale sida xarumaha ganacsiga.

Saxafiyiinta, waxaa ay booqdeen xarunta wasaaradda arrimaha dibadda China, waxa qaabiley danjiraha Shiinaha ee Jamacada Carabta kaas oo ugu waramay qorshaha dowlada ee ku aadan dalalka Jaamacada Carabta.

Qorshaha ugu weyn ee Shiinaha ayaa ah hirgelinta waddada xariirta waxaana ilaa hadda ay heshiis arrintaas ku aadan la galeen 16 dowladood oo ururkaas ku jira.

 

Previous Post

Beesha Caalamka oo Soomaaliya ku taagertay Dib-u-hayebynta Hay’adaha Ammaanka.

Next Post

Burcad isugu jiro Ciidan iyo Maleeshiyo oo la xukumay.

Next Post
Burcad isugu jiro Ciidan iyo Maleeshiyo oo la xukumay.

Burcad isugu jiro Ciidan iyo Maleeshiyo oo la xukumay.

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In