Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Tubta Horumarinta dhaqaalaha oo Looga Hadlay Horumarinta Ganacsiga iyo Maalgashiga Dalka+Sawirro

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Shirka Tubta Horumarinta dhaqaalaha oo Looga Hadlay Horumarinta Ganacsiga iyo Maalgashiga Dalka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta horumarinta dhaqaalaha oo maanta lagu qabtay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb galayaasha shirka u sheegay in hoggaanka dalka ay ka go’antahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dhaqan-gelinta qorshaha daynta looga cafinayo dalka, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo dhiirri gelinta ganacsiga xorta ah, waxa uuna ku dhiirri geliyay dhammaan dhinacyada halbeegyada ku leh Tubta in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan qabashada hawsha kaga aadan gaaridda himilooyinka dhaqaale ee dalka.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026

Kulanka maanta ee tubta horumarinta dhaqaalaha oo ahaa kii ugu horreeyay ee lagu qabto goob ka baxsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga dalka.

Halbeegyada Tubta horumarinta dhaqaalaha ugu jira wasaaradda ganacsiga iyo warshada ayaa waxaa kamid ah dhiirri gelinta iyo suuq-gaynta khayraadka gudaha, abuuridda suuqya heer caalami oo loo iib geeyo badeecadaha dalka, in la dhaqan geliyo sharciga maalgashiga, in laga shaqaysiiyo guddiga sare ee maal-gelinta shisheeye iyo samaynta siyaasad lagu horumarinayo ganacsiga dalka.

Himilooyinka iyo ajandayaasha tubta horumarinta dhaqaalaha waxaa ugu horreeya in guul lagu dhaqan geliyo Barnaamijka hay’adda Lacagta aduunku ay kula socanayso hadafyada iyo siyaasadaha maaliyeed ee dalka (SMP), in sare loo qaado dakhliga gudaha si looga maarmo kaalmo dibadda ah, in la hurumariyo hay’adaha iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha dalka, awoodaynta qaybaha wax soo saarka dalka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Previous Post

Shirka Tubta Amniga Iyo Cadaaladda Oo Looga Hadlay Qaab Dhismeedka Ciidanka Sugaya Amniga Doorashooyinka

Next Post

Dowladda Federaalka oo sheegtay iney dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka

Next Post

Dowladda Federaalka oo sheegtay iney dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In