Wednesday, September 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay Oo Looga Hadlay Dib-u-eegista Qaab Dhismeedka Hay’adaha Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay Oo Looga Hadlay Dib-u-eegista Qaab Dhismeedka Hay’adaha Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo xarunta gobalka Banaadir ay ku yeesheen wasaaradaha, guddiyada iyo hay’adaha kale ee ku midaysan tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa looga hadlay dib-u-eegista qaab dhismeedka hay’adaha qaranka iyo asteynta awoodaha dowladda oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026

Dib-u-eegista qaab dhismeedka hay’adaha qaranka iyo asteynta awoodaha dowladda oo muhiim ah u shaqooyinka iyo daadejinta hawlaha hay’adaha kala duwan ee dawladda ayaa kamid ah halbeegyada laga doonayo wasaaradda arrimaha gudaha in ay ku xaqiijiso sannadkaan 2019.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshayaasha shaqo ee maamulka gobalka Banaadir iyo sida ay ula jaan-qaadayaan halbeegyada Tubaha Qaranka iyada oo ugu dambayn lagu ansixiyay waajibaadka Shaqo ee tubta siyaasadda loo dhanyahay.

Hoggaanka dawladda waxaa ka go’an in awooda lagu wareejiyo shacabka Soomaaliyeed, lana fulinayo ballamihii billaawgii 2017, iyada oo loo marayo tubta siyaasadda loo dhanyahay oo himilooyinkeeda ay kamid yihiin Qaan-gaarsiinta nidaamka Federaalka, dhameystirka nidaamka dib-u-heshiisiinta, Dhameystirka Qabyo qoraalka dastuurka, Diyaarinta hannaanka iyo qorsheynta doorshooyinka 2020 iyo Xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo iskaashi danta Soomaaliya ku jirto oo aan dunida inteeda kale lala yeesho.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Wasiirrada Kalluumaysiga Federaalka iyo Dawlad Gobaleedyada “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In