Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka wada-tashiga Hay’adaha amniga iyo bulshada oo la soo geba gebeeyey “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Shirka wada-tashiga Hay’adaha amniga iyo bulshada oo la soo geba gebeeyey “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa maanta soo gabo gabeeyay shirka wada-tashiga Hay’adaha ammaanka iyo Ururrada Bulshada, kaasi oo  socday muddo labo maalin ah.

Shirkaasi oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda “Center for Community Awareness (CCA)”, isla markaana Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka ay gacan ka geysatay taabagelinta kulanka ayaa ah kii ugu horreeyey oo noociisa ah oo ay Madaxda iyo hawlwadeennada Hay’addaha Qaranka iyo Ururradda Bulshada hal maxfal  isugu yimaadaan, oo ay ka wada xaajoodaan sida loo wada shaqeyn lahaa iyo xoojinta Nabadda.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Ergooyinka ka qeyb galay shirka waxay kaloo si saraaxad leh u lafa-gureen caqabadaha hor taagan sugidda amniga ee magaalada Muqdisho iyo Goballada kale ee dalka, iyadoo ka-qeyb-galayaasha ay isku aragti ka noqdeen inay nabadgelyo-xumidd keento shaqo la’aanta, aqoon la’aanta iyo Caddaalad-xumo, iyo in loo baahan yahay in Dhallinyarada shaqo loo abuuro, lana xoojiyo wacyi-gelinta bulshada iyo Wada-shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka Qaranka.

Guddoomiyaha Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshada (CCA) Maxamed Ibraahim  Cali “Maxamed Cajiib” ayaa ballan-qaaday in bulshada Goballada dalka gaarsiin doonaan farriinta Qaran ee ay xambaarsan tahay qiimaha ay wada-shaqeynta Hay’adaha Ammaanka iyo bulshada u leedahay sugidda Nabadgelyada iyo Horumarka.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka hadlay geba gabada shirka, ayaa Madaxda Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshada (CCA) uga mahadceliyey hawlaha lagu wayi gelinayo bulshada iyo xoojinta Nabadda.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Dowladda Federalka taaba-gelinayso talooyinka muhiimka ee lagu soo bandhigay shirkii wada-tashiga ee hay’addaha ammaanka iyo bulshada ku yeesheen magaalada Muqdisho.

vlcsnap-2015-10-18-17h25m52s42 vlcsnap-2015-10-18-17h26m08s194 vlcsnap-2015-10-18-17h26m16s22 vlcsnap-2015-10-18-17h28m01s55 vlcsnap-2015-10-18-17h28m07s115 vlcsnap-2015-10-18-17h28m25s29 vlcsnap-2015-10-18-17h28m33s119 vlcsnap-2015-10-18-17h28m50s34 vlcsnap-2015-10-18-17h28m56s86 vlcsnap-2015-10-18-17h29m08s214 vlcsnap-2015-10-18-17h29m14s12 vlcsnap-2015-10-18-17h29m29s172 vlcsnap-2015-10-18-17h29m59s201 vlcsnap-2015-10-18-17h30m10s55 vlcsnap-2015-10-18-17h30m49s198 vlcsnap-2015-10-18-17h29m52s133 vlcsnap-2015-10-18-17h30m54s245 vlcsnap-2015-10-18-17h30m57s25 vlcsnap-2015-10-18-17h31m04s88 vlcsnap-2015-10-18-17h31m12s171 vlcsnap-2015-10-18-17h31m20s246

 

Previous Post

DAAWO SAWIRADA:- Wafdigii Wasaaradda Warfaafinta ee ku sugnaa Magaalada Khartoum oo booqasho ku tagay Goobaha loo dalxiis tago

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In