Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka wada-tashiga Hay’adaha amniga iyo bulshada oo la soo geba gebeeyey “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Shirka wada-tashiga Hay’adaha amniga iyo bulshada oo la soo geba gebeeyey “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa maanta soo gabo gabeeyay shirka wada-tashiga Hay’adaha ammaanka iyo Ururrada Bulshada, kaasi oo  socday muddo labo maalin ah.

Shirkaasi oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda “Center for Community Awareness (CCA)”, isla markaana Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka ay gacan ka geysatay taabagelinta kulanka ayaa ah kii ugu horreeyey oo noociisa ah oo ay Madaxda iyo hawlwadeennada Hay’addaha Qaranka iyo Ururradda Bulshada hal maxfal  isugu yimaadaan, oo ay ka wada xaajoodaan sida loo wada shaqeyn lahaa iyo xoojinta Nabadda.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Ergooyinka ka qeyb galay shirka waxay kaloo si saraaxad leh u lafa-gureen caqabadaha hor taagan sugidda amniga ee magaalada Muqdisho iyo Goballada kale ee dalka, iyadoo ka-qeyb-galayaasha ay isku aragti ka noqdeen inay nabadgelyo-xumidd keento shaqo la’aanta, aqoon la’aanta iyo Caddaalad-xumo, iyo in loo baahan yahay in Dhallinyarada shaqo loo abuuro, lana xoojiyo wacyi-gelinta bulshada iyo Wada-shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka Qaranka.

Guddoomiyaha Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshada (CCA) Maxamed Ibraahim  Cali “Maxamed Cajiib” ayaa ballan-qaaday in bulshada Goballada dalka gaarsiin doonaan farriinta Qaran ee ay xambaarsan tahay qiimaha ay wada-shaqeynta Hay’adaha Ammaanka iyo bulshada u leedahay sugidda Nabadgelyada iyo Horumarka.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka hadlay geba gabada shirka, ayaa Madaxda Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshada (CCA) uga mahadceliyey hawlaha lagu wayi gelinayo bulshada iyo xoojinta Nabadda.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Dowladda Federalka taaba-gelinayso talooyinka muhiimka ee lagu soo bandhigay shirkii wada-tashiga ee hay’addaha ammaanka iyo bulshada ku yeesheen magaalada Muqdisho.

vlcsnap-2015-10-18-17h25m52s42 vlcsnap-2015-10-18-17h26m08s194 vlcsnap-2015-10-18-17h26m16s22 vlcsnap-2015-10-18-17h28m01s55 vlcsnap-2015-10-18-17h28m07s115 vlcsnap-2015-10-18-17h28m25s29 vlcsnap-2015-10-18-17h28m33s119 vlcsnap-2015-10-18-17h28m50s34 vlcsnap-2015-10-18-17h28m56s86 vlcsnap-2015-10-18-17h29m08s214 vlcsnap-2015-10-18-17h29m14s12 vlcsnap-2015-10-18-17h29m29s172 vlcsnap-2015-10-18-17h29m59s201 vlcsnap-2015-10-18-17h30m10s55 vlcsnap-2015-10-18-17h30m49s198 vlcsnap-2015-10-18-17h29m52s133 vlcsnap-2015-10-18-17h30m54s245 vlcsnap-2015-10-18-17h30m57s25 vlcsnap-2015-10-18-17h31m04s88 vlcsnap-2015-10-18-17h31m12s171 vlcsnap-2015-10-18-17h31m20s246

 

Previous Post

DAAWO SAWIRADA:- Wafdigii Wasaaradda Warfaafinta ee ku sugnaa Magaalada Khartoum oo booqasho ku tagay Goobaha loo dalxiis tago

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In