Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Wadajirka Ee Amniga Gobolka Mudug Oo Lagu Heshiiyay In La Xoojiyo Wada Shaqeynta Labada Dhinac “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Shirka Wadajirka Ee Amniga Gobolka Mudug Oo Lagu Heshiiyay In La Xoojiyo Wada Shaqeynta Labada Dhinac “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Dawlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maantay shir guddoomiyey Shirka Amniga Gobolka Mudug oo ay ka soo wada qeybgaleen laba Talis Boolis, Laba Talis Sirdoon, Guddoonka Gobolka Mudug iyo labada Guddoomiye ee degmada Gaalkacyo.

Shirka Amniga labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug ayaa daba-socda heshiiskii shirkii labada Madaxweyne iyo wafdiyadii ay kala hogaaminayeen ay ku yeesheen magaalada Gaalkacyo intii u dhexeysay 26 – 27 Juun 2020, laguna heshiiyey; iskaashi dhanka amniga ah, xoojinta nabadaynta iyo dib-u-heshiinta iyo iskaashi dhanka horumarinta dhaqaalaha ah.

Related posts

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

January 10, 2026
Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

January 10, 2026

Qodobada iyo ajanadaha  shirka amniga ee maantay dhacay ayaa waxaa ka mid ahaa: Qiimayn lagu sameeyey saddexdii bilood ee u danbaysay ee  iskaashiga dhexmaray hey’adaha Amniga labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, qaabka ugu wanaagsan ee loo sii xoojin karo iskaashigaas heerka sare gaaray iyo in tallaabooyin wadajir ah laga qaado gaadiidka canshuuraha la baxsada iyo burcadda geela dhacda.

Gaba-gabadii shirka ayaa waxaa la bogaadiyey horumarka laga gaaray amniga, iskaashiga iyo kalsoonida dhexmaray hey’adaha kala duwan ee Maamulada iyo amniga Gobolka Mudug, ayadoo lagu heshiiyey; In bishiiba laba jeer kulamo heer gobol iyo degmaba ah la yeesho oo maamullada iyo hey’adaha amnigu ay ka soo wada qeybgalaan, isla markaana shir saddex biloodle ah la qabto, kaasoo ay ka soo qeybgalayaan Wasiirada Amniga Galmudug iyo Puntland.

Shirka ayaa waxgaradka iyo shacabka Gobolka Mudug loogu baaqay in nabadda iyo xasiloonida la adkeeyo, isla markaana lala shaqeeyo hey’adaha amniga ee Gobolka.

Previous Post

Madaxda Dowladda Federaalka Oo Loogu Baaqay Wax Ka Qabashada Baahiyaha Ka Jirta Jaamacadda Ummadda Faraceeda Galmudug “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Baydhabo “SAWIRRO”

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Baydhabo “SAWIRRO”

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland, iyadoo taageertay...

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee kasoo kala jeeda maamullada Puntland, Jubbaland iyo Waqooyi Bari...

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In