Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Wadajirka Ee Amniga Gobolka Mudug Oo Lagu Heshiiyay In La Xoojiyo Wada Shaqeynta Labada Dhinac “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Shirka Wadajirka Ee Amniga Gobolka Mudug Oo Lagu Heshiiyay In La Xoojiyo Wada Shaqeynta Labada Dhinac “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Dawlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maantay shir guddoomiyey Shirka Amniga Gobolka Mudug oo ay ka soo wada qeybgaleen laba Talis Boolis, Laba Talis Sirdoon, Guddoonka Gobolka Mudug iyo labada Guddoomiye ee degmada Gaalkacyo.

Shirka Amniga labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug ayaa daba-socda heshiiskii shirkii labada Madaxweyne iyo wafdiyadii ay kala hogaaminayeen ay ku yeesheen magaalada Gaalkacyo intii u dhexeysay 26 – 27 Juun 2020, laguna heshiiyey; iskaashi dhanka amniga ah, xoojinta nabadaynta iyo dib-u-heshiinta iyo iskaashi dhanka horumarinta dhaqaalaha ah.

Related posts

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026

Qodobada iyo ajanadaha  shirka amniga ee maantay dhacay ayaa waxaa ka mid ahaa: Qiimayn lagu sameeyey saddexdii bilood ee u danbaysay ee  iskaashiga dhexmaray hey’adaha Amniga labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, qaabka ugu wanaagsan ee loo sii xoojin karo iskaashigaas heerka sare gaaray iyo in tallaabooyin wadajir ah laga qaado gaadiidka canshuuraha la baxsada iyo burcadda geela dhacda.

Gaba-gabadii shirka ayaa waxaa la bogaadiyey horumarka laga gaaray amniga, iskaashiga iyo kalsoonida dhexmaray hey’adaha kala duwan ee Maamulada iyo amniga Gobolka Mudug, ayadoo lagu heshiiyey; In bishiiba laba jeer kulamo heer gobol iyo degmaba ah la yeesho oo maamullada iyo hey’adaha amnigu ay ka soo wada qeybgalaan, isla markaana shir saddex biloodle ah la qabto, kaasoo ay ka soo qeybgalayaan Wasiirada Amniga Galmudug iyo Puntland.

Shirka ayaa waxgaradka iyo shacabka Gobolka Mudug loogu baaqay in nabadda iyo xasiloonida la adkeeyo, isla markaana lala shaqeeyo hey’adaha amniga ee Gobolka.

Previous Post

Madaxda Dowladda Federaalka Oo Loogu Baaqay Wax Ka Qabashada Baahiyaha Ka Jirta Jaamacadda Ummadda Faraceeda Galmudug “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Baydhabo “SAWIRRO”

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Baydhabo “SAWIRRO”

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
0

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum) ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb...

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kormeer ku sameeyay Webiga Shabeelle iyo goobaha nugul...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

September 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo howlo shaqo u jooga magaalada Baardheere ee Gobolka...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

September 7, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In