Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka wadatashiga dib u eegista sharciga socdaalka Soomaaliya maanta furmay Muqdisho, kaas oo talo bixin looga dhagaysanayo shacabka deegaanada Hirshabeelle

admin by admin
May 13, 2018
in Wararka
0
Shirka wadatashiga dib u eegista sharciga socdaalka Soomaaliya maanta furmay Muqdisho, kaas oo talo bixin looga dhagaysanayo shacabka deegaanada Hirshabeelle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025

Furitaanka Shirkaan oo la xiriiray dib u eegista Sharciga Socdaalka Soomaaliya, waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka socday dowlad-goboleedka Hirshabelle, Agaasimeyaal, iyo kusimaha ahna kuxigeenka Agaasimaha guud eee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, waxaana qorshaha shirkaan oo ahaa in lagu qabtay magaalada Baladweyne laisla gartay in lagu qabto Muqdisho sababo la xiriira Fatahaadaha kajira Hirshabelle.

Lataliyaha dhinaca Sharciga ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Safiyo Cabdullaahi Sheekh ayaa madasha ka sheegtay in si loo helo sharci la jaan qaadi kara shuruucaha kale duwan ee dunida ay bilaabeen sanadkii 2017-kii latashiyo la xiriira dib u eegista Sharciga Socdaalka Soomaaliya.

Kusimaha agaasimaha, ahna kuxigeenka agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdullaahi Xaaji Bashiir Shiino ayaa tilmaamay in dhinacyada ka qeyb galaya shirka ay ka filayaan iney soo saaraan talooyin muhiim ah oo sharcigan kaabaya.

Mudane Cabdullaahi Maxamed Rooble wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa xusay in dib u eegis lagu sameeyo sharciga Socdaalka ay door wanaagsan ka qaadaneyso in lala jaanqaado dunida inteeda kale.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa wadatashiyada ku saabsan dib u eegista Sharciga Socdaalka horey ula soo sameysay bulshada dowlad-goboleedyada Galmudug, K/Galbeed iyo Jubbaland, iyada qorsheeneysa iney la sameyo maamulada wali aan la gaarin.

Previous Post

Guddoomiyaha G/Banaadir oo soo xiray barnaamijka Jadwalka iyo Qorshaha Dhismaha goleyaasha deegaanka

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Qadar.

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Qadar.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Qadar.

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In