Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Wadatashiga diyaarinta hanaanka qaran ee dib u heshiisiinta oo ka furmay Muqdisho+Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Shirka Wadatashiga diyaarinta hanaanka qaran ee dib u heshiisiinta oo ka furmay Muqdisho+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka wadatashiga Diyaarinta  Hanaanka Qaran ee dib u heshiisiinta ayaa diirada lagu saarayaa sidii loo heli lahaa qabya qoraalka Siyaasadda Qaran ee dib u heshiisiinta dalka.

 

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Waxaa ka qeyb galaya qeybtiisa maanta oo uu furay ku simaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta dowladda federaalka Mudane Cabdulaahi Faarax Wehliye  madax ka socota hey’adaha dowladda federaalka.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisinta Soomaaliya Cabdulaahi Maxamuud Xasan ( Azhari) waxa uu sheegay in wadatashiyada Hanaanka Qaran ee dib u heshiisiinta inuu soo maray marxalado kala duwan, wasaaraduna ay ku han weyntahay inuu noqdo mid mira dhala, lana gaaro dib u heshiisiinta iyo iscafin waarta.

Kusimaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka Mudane Cabdulaahi Faarax Wehliye oo furay shirka waxaa uu tilmaamay  in muhiimada shirkani furmay uu yahay in la helo hanaan sal adag leh oo lagu wajaho dib u heshiisiinta dalka.

Wasiir Wehliye ayaa intaa ku daray in Wasaaradda Arimaha Gudaha ay ku go’an tahay hogaaminta dib u heshiisiinta waarta.

Madaxda Hey’adaha dowladda ka socda oo ka hadlay madasha shirka ayaa bogaadiyay wadatashiga Wasaaaradda Arimaha Gudaha ay la sameynayso dhammaan dhinacyada muhiimka u ah diyaarinta hannaanka Qaran ee dib u heshiisnta.

Shirkan ayaa soconaya laba maalmood, iyada oo maalinka berrita ah qeybtiisa labaad latashi lala sameyn doono ururada Bulshada rayidka oo laf dhabar  u ah geedi socodka hannaanka dib u heshiisiinta Qaranka.

Previous Post

Puntland oo dib ula wareegtay degaanka Af-urur

Next Post

Kofi Annan oo maanta geeriyooday

Next Post
Kofi Annan oo maanta geeriyooday

Kofi Annan oo maanta geeriyooday

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In