Shirkii wadatashiga ee Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka Ka Jira ee Shalay Garoowe ka furmay ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Garoowe, iyadoo la filayo in laga soo saaro warmurtiyeed ku saabsan qodobada ka shirka.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku sugan Garoowe ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in shirka oo maalintii labaad galay uu si wanaagsan u socdo islamarkaana ay ka rajeynayaan in wax wanaagsan ay uga soo baxaan dadka Soomaaliyeed.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa sheegay shirka intii uu socday laga wada hadlay arrimo kale duwan oo gogol xaar u noqoneysa masiirka umadda Soomaaliyeed oo ay ugu horeyso isku dhafka iyo dib u dhiska ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo qeybsiga Kheyraadka Dalka.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi xayir Maareeye oo sii hadlay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii loo horumarin lahaa dalka, shirkana uu qeyb ka yahay dadaalada dalka lagu horumarinayo islamarkaana waqtiyada soo socota Madaxda ka qeyb galeysa shirka ay ka soo saari doonaan War murtiyeed.
Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shalay magaalada Garoowe ku daah furay wajiga labaad ee shirka wada tashiga Dawladda federaalka ah iyo dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah, waxaana kasoo qeybgalay madaxweynayaasha Puntland,jubbaland, iyo koonfur galbeed. waxaa kaloo shirka goob joog ka ahaa wafuud ay kala hogaaminayeen madaxweynayaasha madasha ku suganaa,