Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Wadatashiga qorshe howleedka 2021-2022 oo lagu qabtay Jowhar “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Shirka Wadatashiga qorshe howleedka 2021-2022 oo lagu qabtay Jowhar “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka wada-tashiga Qorshe Howleedka 2021-2022 ee Istaraajiyadda Xalka Waara ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Jowhar.

Wata-tashiga oo socday muddo saddex cisho ah waxaa diiradda lagu saaray diyaarinta Qorshe Howleedka Istaraajiyadda Xalka Waara ee Dowladd Gobaleedka Hirshabeelle iyada oo ay ka qayb galeen Wasaraadaha iyo hay’adaha ay qusayso ee Dowlad Gobleedka Hirshabeelle iyo Xubno ka socday Xafiiska Xalka Waara ee Waaaradda Qorsheynta Qaranka oo gacan wayn ka geystay dar dargalinta tallaaboyinka wax looga qabanayo mushaakilaadka kala duwan ee keena masiibooyinka dabiiciga ah sida Abaaraha, Fatahaada iyo Masiibooyinka dabiiciga ah sidii wax looga qaban lahaa .

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa yiri “Deegaannada maamulka Hirshabeelle waxaa laga qabtay howl ballaaran oo wax ku ool ah, taas oo ah sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka kala duwan loo maarayn lahaa waxyaabaha keena barakaca iyo sidii loo garab istaagi lahaa dadka uu saameeyay barakaca ka dowlad gobaleed ahaan waxaan diyaarinay oo ah qorshe howleedka Istaraajiyadda xalka waara ee lagu xaliyo dhammaan dhibaatooyinka kor ku xusan”.

Marwo Sahra Cabdi Maxamed Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa tilmaantay in dadaal dheer la galiyay diyaarinta Qorshe Howleedka 2021-2022 ee Istaraajiyada Xalka Waara ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeele.

“Waxaan ku faraxsan nahay maanta in aan soo dhammaynay qorshihii wax loogu qaban lahaa dadka barakacyaasha Hirshabeele, qorshahaasi oo loogu golleeyahay in loo helo mashaariic horumarineed, waxaan uga fadhinnaa Wasaaradda Qorsheynta Hirshabeele in ay u samayso wasaaradaha guddi hoosaadyo xiriiriye howlaha socda ee arrimahaan. Qofka barakaca ah waa inuu noqdaa qof wax ku ool ah oo isku filan, bulshada wax ku soo kordhiya si taasi u suurta gasho waa in loo u midoobo oo la iska kaashado si Xal Waara loo helo”. Agaasime Sahra

Tani waxaa ay qeyb ka tahay Qorshe Howleedyada Istaraajiyada Qaran ee Xalka Waara oo dhammaan Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir laga samayn doona iyada oo Dowlad Gobaleedka Hirshabeele ay noqotay Maamulkii ugu horeeyay ee lala diyaariyo Qorshe Howleeedka Istaraajiyada Xalka Waara ee 2021-2022.

Previous Post

Golaha Wadatashiga Qaranka oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha Ciidanka XDS oo Addis Ababa kula kulmay dhigiisa Ethiopia

Next Post
Taliyaha Ciidanka XDS oo Addis Ababa kula kulmay dhigiisa Ethiopia

Taliyaha Ciidanka XDS oo Addis Ababa kula kulmay dhigiisa Ethiopia

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
0

Ilaa 1,000 qoys oo ay si daran u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah dalka ayaa ka faa’iideystay...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed Mahmoud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay ciidamo gaar...

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In