Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Wadatashiga qorshe howleedka 2021-2022 oo lagu qabtay Jowhar “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Shirka Wadatashiga qorshe howleedka 2021-2022 oo lagu qabtay Jowhar “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka wada-tashiga Qorshe Howleedka 2021-2022 ee Istaraajiyadda Xalka Waara ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Jowhar.

Wata-tashiga oo socday muddo saddex cisho ah waxaa diiradda lagu saaray diyaarinta Qorshe Howleedka Istaraajiyadda Xalka Waara ee Dowladd Gobaleedka Hirshabeelle iyada oo ay ka qayb galeen Wasaraadaha iyo hay’adaha ay qusayso ee Dowlad Gobleedka Hirshabeelle iyo Xubno ka socday Xafiiska Xalka Waara ee Waaaradda Qorsheynta Qaranka oo gacan wayn ka geystay dar dargalinta tallaaboyinka wax looga qabanayo mushaakilaadka kala duwan ee keena masiibooyinka dabiiciga ah sida Abaaraha, Fatahaada iyo Masiibooyinka dabiiciga ah sidii wax looga qaban lahaa .

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa yiri “Deegaannada maamulka Hirshabeelle waxaa laga qabtay howl ballaaran oo wax ku ool ah, taas oo ah sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka kala duwan loo maarayn lahaa waxyaabaha keena barakaca iyo sidii loo garab istaagi lahaa dadka uu saameeyay barakaca ka dowlad gobaleed ahaan waxaan diyaarinay oo ah qorshe howleedka Istaraajiyadda xalka waara ee lagu xaliyo dhammaan dhibaatooyinka kor ku xusan”.

Marwo Sahra Cabdi Maxamed Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa tilmaantay in dadaal dheer la galiyay diyaarinta Qorshe Howleedka 2021-2022 ee Istaraajiyada Xalka Waara ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeele.

“Waxaan ku faraxsan nahay maanta in aan soo dhammaynay qorshihii wax loogu qaban lahaa dadka barakacyaasha Hirshabeele, qorshahaasi oo loogu golleeyahay in loo helo mashaariic horumarineed, waxaan uga fadhinnaa Wasaaradda Qorsheynta Hirshabeele in ay u samayso wasaaradaha guddi hoosaadyo xiriiriye howlaha socda ee arrimahaan. Qofka barakaca ah waa inuu noqdaa qof wax ku ool ah oo isku filan, bulshada wax ku soo kordhiya si taasi u suurta gasho waa in loo u midoobo oo la iska kaashado si Xal Waara loo helo”. Agaasime Sahra

Tani waxaa ay qeyb ka tahay Qorshe Howleedyada Istaraajiyada Qaran ee Xalka Waara oo dhammaan Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir laga samayn doona iyada oo Dowlad Gobaleedka Hirshabeele ay noqotay Maamulkii ugu horeeyay ee lala diyaariyo Qorshe Howleeedka Istaraajiyada Xalka Waara ee 2021-2022.

Previous Post

Golaha Wadatashiga Qaranka oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha Ciidanka XDS oo Addis Ababa kula kulmay dhigiisa Ethiopia

Next Post
Taliyaha Ciidanka XDS oo Addis Ababa kula kulmay dhigiisa Ethiopia

Taliyaha Ciidanka XDS oo Addis Ababa kula kulmay dhigiisa Ethiopia

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In