Magaalada Bashifto ee wadanka Ethiopia waxaa ka furmay shirka Warbaahinta Dowladaha IGAD oo looga hadlayo arrimo badan oo ay ka mid tahay Wada shaqeynta,gaar ahaan ka hortaga Abaaraha iyo iskaashiga guud ahaan ee IGAD,
Shirka oo mudo labo cisho ah socon doona ayaa Soomaaliya waxaa uga qaybgalaya wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska C/raxmaan Sheikh Yuusuf Al-Cadaalla.
Gabagabada shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro Qodobo muhiim ah oo ay ugu horeyso wadiiqo cusub oo hab iskaashi u dhexmari kara Wasaaradaha Warfaafinta iyo Hay’adaha Warbaahinta Dowladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.