Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay”Sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shirka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay”Sawiro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan looga hadlayay arimaha xuquuqul insaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay Sii-hayahay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya,Sii-hayaha wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya,Guddi ka socday golaha xuquuqul insaanka ee Bariga iyo Geeska Afrika ,Xubno ka socday Midowaga Yurub, hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee ka howlaga Soomaaliya iyo Ururada Bulshada Rayidka ah iyo xeel dheeriyaal arimaha Xuquuqul Insaanka ka shaqeeya.

Shirka oo inta uu socday lagu soo bandhigay xaaladda xuquuqul insaanka Soomaaliya iyo marxaladaha ay hada mareyso ayaa waxaa ugu horeyn ka hadashay Xaliima Ismaaciil Ibraahim ‘’Xaliimo Yareey’’ oo ka mid ah dadka u ololeeya xuquuqul insaanka Soomaaliya waxayna ka hadashay kaalinta haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin ilaalinta xuquuqul insaanka Soomaaliya.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Sii-hayaha wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay diyaarinayaan dejinta shuruuc lagu ilaaliyo xuquuqda Aadanaha.

Sii-hayaha wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali “Dhuxulow’’ ayaa ka hadlay muhiimada Soomaaliya u leedahay ilaalinta xuquuqul insaanka soomaaliya.

Reine Alapin Gonsou oo ah xubin ka tirsan golaha xuquuqul insaanka Afrika ayaa sheegtay in laga maarmaan ay tahay in dhamaan hay’daha u doooda xuquuqul insaanka Soomaaliya ay ka wada shaqeeyaan ilaalinta xuquuqda Aadanaha Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in xaalada xuquuqul insaanka ee Soomaaliya ay liidato isagoo tusaale u soo qaatay xaaladaha ka jira xabsiyada dalka ku yaala gaar ahaan Xabsiga dhexe ee Xamar.

Shirkan ayaa ah kii ugu horeeyay oo ay magaaladda Muqdisho ku qabtaan golaha difaacyaasha xuquuqul insaanka ee Bariga iya Geeska Afrika ,waxaana shirkan maalgelinayay Midowga Yurub.
1

2

3

4

5

6

7

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysey Zakariya inuu nabadda qaatay

Next Post

Jaamacadda SIU oo qabatay munaasabad lagu taageerayay wax qabadka guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe

Next Post
Siihayaha Wasiirka Caafimaadka “Jaamacadda SIU tallaabo aad u muhiimsan ayay qaaday oo aan horey loo arag” SAWIRRO

Jaamacadda SIU oo qabatay munaasabad lagu taageerayay wax qabadka guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In