Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkad bixisa shidaalka diyaaradaha oo maanta ka shaqo billowday garoonka Aadan Cadde

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shirkad bixisa shidaalka diyaaradaha oo maanta ka shaqo billowday garoonka Aadan Cadde
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada iyo wasiiru dowlaha wasaaraddaasi ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad xarigga looga jarayay shirkad cusub oo shidaalka siineysa diyaaradaha, taasoo ka shaqeyneysa gudaha garoonka Aadan Cadde.

Madaxa shirkadda HASS ee lagu wareejiyay shidaalka diyaaradaha ee garoonka Aadan Cadde C/raxmaan Cali Axmed ayaa sheegay in shirkadani ay ka shaqeyso shidaalka diyaaradaha iyo kan baabuurta, wuxuuna intaasi raaciyay in shirkaddu ay ka howlgasho waddamo badan oo Africa ah.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaadiidka Maxamed Isaaq Cismaan ayaa soo dhaweeyay shirkada HASS in ay ka howlgasho garoonka diyaaradah Aadan Cadde, isagoo xusay iney tahay markii ugu horreeysay ee shirkad shidaalka siisa diyaaradaha oo ay Soomaali leedahay laga furo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sidoo kale wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada  Cali Axmed Jaamaca Jengeli oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa ku boorriyay ganacsatada Soomaaliyeed iney dalkooda maalgashadaan, isagoo soo dhaweeyay howsha shirkaddu ka bilawday garoonka Aadan Cadde.

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiir Mareeye oo Nairobi Kula Kulmay Mas’uuliyiinta Hay’adda USAID

Next Post
Wasiir Mareeye oo Nairobi Kula Kulmay Mas’uuliyiinta Hay’adda USAID

Wasiir Mareeye oo Nairobi Kula Kulmay Mas'uuliyiinta Hay'adda USAID

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In