Sunday, September 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkadda Caymiska Islaamiga ah ee Takaaful oo xarigga laga jaray “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Shirkadda Caymiska Islaamiga ah ee Takaaful oo xarigga laga jaray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasibad xarigga looga jarayey howlgelinta shirkadda Ceymiska oo ay ka qeyb-galeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Furitaanka bilawga hawsha Shirkada Caymiska Islaamiga ah ee Takaaful ayaa waxaa ka qaybgalay Mas’uuliyiin isugu jirta Wasiiro, Ganacsato Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xubna kale oo xafladda lagu casuumay, iyadoo si rasmi Shaqada Shirkadaasi Caymiska Islaamiga ah ay xariga ka Jareen Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ku-simaha Guddomiyaha Gobolka iyo Xubno kale.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

September 20, 2026

Guddomiyaha Shirkadda Caymiska Islaamiga ah ee Takaaful Maxamed Cabdi Maxamed ayaa tilmaamay in shirkadda Caymiska Islaamiga ay bulshada u hayso adeegyo kala duwan, ayna diyaar u yihiin u adeegidda shacabka.

Ku-simaha Guddomiyaha Gobolka Ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda Mudae Ismaaciil Macalin Cabdi Guure ayaa amaanay doorka Shirkadan iyo waxa ay ku soo kordhin karto Shacabka ku nool Gobolka Banaadir.

Wasiirka Batroolka iyo Tamarta Mudane Maxamed Mukhtaar ayaa dhiirigaliyay dadaalka ganacsatada ay ku furanayaan xarumo loogu adeegayo bulshada.

“Waxaa sharaf ii ah in aan idinkala qeyb galo furitaanka shirkaddan, runtii Soomaaliya hadda ayay fursad haysataa, waxaana ka faa’iideysanaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbartay, Ceymiska waxa uu kabayaa dib u soo nooleynta dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Wasiirka Tamarta.

Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga iyo Warashadaha ee Xukumadda Soomaaaliya Mudane C/raxmaan Cabdi Cusmaan ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay in Soomaaliya ay hesho Shirkad Caymis oo Islaami ah, isagoo Bogaadiyay ganacsatadii doorkaasi gacan ka geystay.
“Runtii shirkadan waxa ay fariin u tahay shacabka Soomaaliyeed, maadaama wax la ceyminayo, ganacsatada waxa ay u istaageen inay dib u soo nooleeyaan adeegyadii ganacsi, marka waa arrin fiican” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga.

Shirkadda ayaa labo xafiis ka furatay Degmooyinka Xamarweyne iyo Shangaani, kuwaasi oo loogu adeegi doono bulshada nool caasimadda.

IMG_3993

IMG_3996

IMG_4002

IMG_4006

IMG_4015

IMG_4016

IMG_4020

IMG_4026

IMG_4028

IMG_4031

IMG_4039

IMG_4043

IMG_4050

IMG_4053

IMG_4054

IMG_4055

IMG_4058

IMG_4061

IMG_4062

IMG_4071

IMG_4085

IMG_4095

IMG_4101

IMG_4105

IMG_4107

IMG_4122

IMG_4143

IMG_4149

IMG_4161
Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

Previous Post

Ardayda Jaamacadda Camuud oo adeegyo caafimaad u qabtay bukaanno “SAWIRRO”

Next Post

Ururka haweenka Wazda oo maanta tababar u soo xiray 180 haween ah “Dhageyso+Sawirro”

Next Post
Ururka haweenka Wazda oo maanta tababar u soo xiray 180 haween ah “Dhageyso+Sawirro”

Ururka haweenka Wazda oo maanta tababar u soo xiray 180 haween ah "Dhageyso+Sawirro"

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa saxiixay  Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka...

Wafdi sare oo ka socda Ciidamada Cirka Pakistan oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay

Wafdi sare oo ka socda Ciidamada Cirka Pakistan oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto. Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi sare oo ka...

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In