Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkada Diyaaradaha Ethiopia oo dib u bilaabaysa duulimaadkeedii Soomaaliya

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Shirkada Diyaaradaha Ethiopia oo dib u bilaabaysa duulimaadkeedii Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha fulinta Shirkada Diyaaradaha Ethiopia ayaa maanta shaaca ka qaaday in bisha November soo socota 2-eda ay shirkadu dib u bilaabeyso duulimaadkeedii khadka Adis-Ababa iyo Muqdisho kadib markii duulimaadkan uu go’ay  muddo haatan laga joogo 41 sano ah ka hor, wuxuuna sheegay in sabtidii aynu soo dhaafnay ay shirkada duulimaadkii u horeeyay ee ganacsi ah ka sameysay Adis-Ababa iyo Muqdisho.

Warkan oo Wakaalada Anadol ay kasoo xigatay Idaacadda ay Maamusho Dowladda Ethiopia oo lagu magacaabo Fana ayaa intaa raaciyay in dib u soo celinta duulimaadka rayidka ee labada dal Soomaalia iyo Ethiopia ay door weyn ka ciyaarayso sii xoojinta Cilaaqaadka labada dal ee deriska ah gaar ahaan dhanka dhaqaalaha iyo socdaalka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Agaasimaha fulinta Shirkada Diyaaradaha Ethiopia wuxuu tilmaamay in soo celinta duulimaadkan ay faa’iido weyn u keenayso Soomaalida dibbadaha ku nool gaar ahaan wadamada Mareykanka,Yurub,Asia iyo Bariga Dhexe oo ay u sahleyso sidii ay Somalia u soo booqan lahaayeen iyagoo soo raacaya shirkada Diyaaradaha Ethiopia oo uu sheegay inay duulimaad ku sameyso 116 dal oo caalamka ka titsan.

Dhanka kale Masuliyiinta Shirkadda Diyaaradaha Ethiopia ayaa cadeeyay in  duulimaadkan uu noqon doono mid toos ah oo Todobaadkiiba Sedex mar ay Diyaaradu ku imaanayso Muqdisho.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo ka hadlay xiriirka labada dal

Next Post

Wasiirka Waxbarshada oo kulan kula qaatay Dalka Turkiga Guddiga Tacliinta Sare ee Dalkaas “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Waxbarshada oo kulan kula qaatay Dalka Turkiga Guddiga Tacliinta Sare ee Dalkaas “SAWIRRO”

Wasiirka Waxbarshada oo kulan kula qaatay Dalka Turkiga Guddiga Tacliinta Sare ee Dalkaas "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In